Madaxweyne Donald Trump Oo Shiinaha Iyo Ukraine Ugu Baaqay Inay Baadhis Ku Sameeyaan Laba Shakhsi Oo Wiilkiisu Ku Jiro
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu meel fagaara ah ugu baaqay Ukraine iyo Shiinaha inay baaraan Joe Biden iyo wiilkiisa.
Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden ayaa ugu cadcad tartanka ay Dimuqraadiyiinta ugu jiraan doorashada madaxtinimada ee 2020, waxa uuna udub dhexeed u yahay dedaalka lagu doonayo in xilka loogaga qaado Mr Trump.
"Shiinaha waa in uu baaritaan ku bilaabaa laba Biden," ayuu yiri Mr Trump, isagoo ka hadlayay wiilka Mr Biden ee lagu magacaabo Hunter.
Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay madaxweynaha Mareykanka ku eedeeyeen inuu deeqda milateri u isticmaalay qaab uu ku cadaadiyo Ukriane si ay usoo qufaan xumaha Mr Biden.
Wicitaan dhanka taleefanka ah oo 25-kii July dhexmaray Mr Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa waxa uu horseedday inay cabasho muujiyaan koox ka shaqeysa sirdoonka oo xogta bixiyay taas oo sababtay in laga hadlo xilkaqaadista Trump.
Hasayeeshee Mr Trump ayaa sheegay inuusan wax khalad ah sameyn, baaritaanka kongareeska ee ay ku doonayaan inay meesha uga saaraanna waxa uu ku tilmaamay mid lagu baacsanaayo.
Muxuu Trump ku eedeeya laba Biden inay sameeyeen?
Mr Trump ayaa waxa uu Mr Biden iyo wiilkiisa Hunter ku eedeeyay musuq maasuq hareeyay heshiisyada siyaasadeed iyo ganacsi ee ay ku galeen Ukraine iyo Shiinaha, isagoonan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Hunter Biden ayaa waxa uu 2014 ku biiray shirkadda gaaska diibiciga ka shaqeysa ee Burisma ee waddanka Ukraine, waxaana halkaas ka soo ifbaxay su'aalo ku saabsan suuragalnimada dano is diiddan oo aabihii halkaas ka soo raaca.
Ukraine ayaa waxaa xilligaas ka socday isbadel siyaasadeed kaddib markii madaxweynihii gacan saarka la lahaa Ruushka xilka laga qaaday, xilli Bidenka wayn uu ahaa qofka maamulka Obama u qaabilsanaa dalalka Bariga Yurub.
2016-kii, Joe Biden ayaa waxa uu dowladda Ukraine ku cadaadiyay inay xilka ka qaaddo dacwad oogaha ugu sarreeyay dalkaasi, Viktor Shokin, kaas oo xafiiskiisa uu baarayay hantiilaha wayn ee iska leh shirkadda Burisma.
Khudbad uu sanadkii hore ka jeediyay hay'ad cilmiga baarto, ayuu Mr Biden waxa uu ku faanay inuu xilka xoog uga qaaday Mr Shokin isagoo ku goodiyay inuu hal bilyan oo doolar oo amaah aheyd uu ka hor istaagi doono Ukraine.
Mr Trump iyo xulafadiisa ayaa waxa ay Mr Biden ku eedeeyeen inuu difaacayay wiilkiisa. Sikastaba xaalku ha ahaadee saraakiil kale oo reer Galbeed ah iyo kooxaha ugu waa weyn ee maalgalinayay dowladda Ukraine ayaa sidoo kale doonayay in xilka laga qaado Mr Shokin sababtoo ah waxaa loo arkayay inuu caqabad ku ahaa dedaallada loogaga hortagayo musuq maasuqa.
Cabasho ka timid qof seeri-afuuf ah oo muujinaysay in diiwaanka taleefoonada uu diro madaxweynaha Maraykanka loo maamulay hab sir ku dahaarantahay ayaa toosh weyn ku ifisay sida loo maareeyo wicitaanadaas iyo sida loo qarin karo.
Ninka warka sheegay oo ah nin ka shaqeeya sirdoonka Maraykanka ayaa aaminsan in wicitaan taleefoon oo dhexmaray madaxweyne Trump iyo madaxwenaha Ukraine Enrique Pena Nieto loo qariyay sababo siyaasadeed awgood.
Qoraalka wixii la isku yiri wicitaanka ayaa lagu asteeyay "sir xasaasi ah", waxaana loo ogolaaday in dad khaas ah oo kaliya ay arki karaan.
Tan ayaa dhalisay shaki hor leh, waxaana la dareemay in saraakiisha Aqalka Cad ay ka war hayeen waxa la'isku yiri wicitaanka, islamarkaasna ay doonayeen in ay ka qariyaan mas'uuliyiinta dowladda ee kale.
Dadka Trump kasoo horjeeda ayaa sheegay in wicitaanka uu ahaa mid Trump uu madaxweynaha Ukrain ugu qancinayay in uu baaritaan ku furo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden oo Trump xilka kula loolamaya, si fursadaha madaxweyne Trump ee dib usoo doorashadiisa sare ugu kacaan.
Madaxweyne Trump iyo kaaliyeyaashiisa ayaa beeniyay in xogta wicitaaka loo qariyay sababo siyaasad la xiriirta, balse ay kaliya tahay wax quseeya amniga qaranka.
Haddaba yaa dhagaysta wicitaanada madaxweynaha?
Caadi ahaan saraakiisha sirdoonka qaranka ayaa madaxweynaha warbixin siiya ka hor inta uusan dirin taleefoonka, waa haddii uu la hadlayo hoggaamiye shisheeye ah, kadibna labo qof oo sirdoonka ka mid ah ayaa xafiiska Oval la fariista oo dhagaysta marka uu taleefoonka ku hadlayo.
Dad kale ayaa qol kale oo Aqalka Cad ka tirsan ka dhagaysanaya taleefoonka madaxweynaha, kadibna qoraallo ayay ka samaynayaan waxa la'is dhahayo.
Sidoo kale kumbuyuutarro ayaa qoraya hadalka madaxweynaha, kadibna waxaa la'is barbardhigayaa qoraalkii dadka ay qoreen iyo kii uu qalabka qorey, sida uu sharaxay qof horey uga shaqayn jirey Aqaka Cad.
Wadasheekeysigan uu Trump khadla telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Ukrain ayaa la sheegay in ay dad koox ah dhagaysanayeen, hase yeeshee waxaa la sheegay in tan iyo intii uu Trump qabtay xilka, in warbixinta la siiyo ka hor wicitaanka ay ahayd mid degdeg ah, islamarkaasna ay wax badan qaldanyihiin.
Dariiqee loo maraa haddii ay tahay in "sir xasaasi ah" lagu asteeyo qoraalka wicitaanka madaxweynaha?
Saraakiisha sirdoonka ayaa go'aansada heerarka xog-qarinta ee wicitaanada madaxweynaha.
Tusaale ahaan, haddii xogta ay tahay mid dhaawici karta amniga Qaranka ama halis galin karta nafta dadka qaar, markaas waxaa lagu asteeyaa "Sir Sare", waxaana lagu kaydiyaa meel aanan la arki karin.
Nin lagu magacaabo Andrew Miller oo xiligii Barack Obama ka shaqayn jiray arrimahan, ayaa qaba in wicitaanka dhexmaray Trump iyo Madaxweynaha Ukraine aysan ka dhalan karin sabab loo qariyo wixii ay ku wada hadleen.
Maxaa dhacaya haddii qoraal lagu asteeyo 'sir sare'?
Waxa ay ka dhigantahay in dadka sarsare ee haysta ansixinta amni ee ugu sareeya Maraykanka ay arki karaan xogtaas.
Waxaa la'isugu gudbiyaa hab sir ah oo aad u xadidan, kaas oo ay kaliya galaangal u leeyihiin dadka caynkan ah.
Dad badan oo naqdiya madaxweynaha ayaa qaba in waxa dhacay ee lagu qariyay xogta wicitaanka ay ahayd ku tagri fal awoodeed.
Source:-BBCsomali