Siyaasaddu seedi maleh ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Thursday October 03, 2019 - 19:56:34 in Articles by
  • Visits: 1867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasaddu seedi maleh ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Siyaasaddu seedi maleh ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasaddu seedi maleh ''...W/Q Axmed Nuur Guruje


Maleze Sanawi iyo Isayas Afwerqi waxay ahaayeen , Ilmaabti,Habar-wadaag , dhareer wadaag iyo halgan wadaag.

Image may contain: 2 people, people sitting


Waxay soo wada mareen halgan adag oo ay dhufayskiisa ku wada jireen 17 sanadood 1974 ilaa 1991 , ka dib markii labadoodii jabhadood ee TLF iyo EPLF ay xukunka ka tuureen taliskii Mingiste Haile Mariam , waxay isu noqdeen Madaxwayne iyo ku xigeen sida magacyadoodu u kala horeeyaan .


Sanadkii 1993 markii Wadankii Ethopia u kala go'ay labadda wadan ee Ethopia iyo Eriteria , Mid waliba wuxuu hogaamiye u noqday wadankiisa oo uu caynaankiisa qabtay .


Hadaba sanadkii 1999 markii Ereteriya samaysatay lacagteeda loo yaqaano Negfa ayaa labada wadan uu dhexmaray khilaaf dhaqaale , ka dibna waxaa ku xigay khilaaf xuduudeed oo sababay Dagaalkii faraha lagaga gubtay ee soo noqnoqon jirey .


Sanadkii 2005 mar u qaybsantii arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibeda ee Maraykanka , haweenaydii la odhan jirey Jenddy Freizer , ayaa waxay ku tidhi Madaxwayne Isayaas , waxaa tihiin laba nin oo ilmaabti ah , maxaa keeney in aad is dishaan , waxaanu ugu jawaabay Mr Afwerqi '' Khilaafkayagu maaha mid dhaqan , dhaqanka waxaanu ku xalinaa hab soo jireena , waxaana aanu ku kala baxnaa Magaalo la yidhaahdo Biato oo ay joogaan waayeelku , kuwaaaana na kala saara ' laakiin waxaanu isku haynaa dano qarameed , wadan walibana wuxuu leeyahay dantiisa gaarka ah , qabkiisa iyo qiyamkiisa .


Sidaas ayaanay u shaqaysaa siyaasddu aduunyaddu , sideedabana siyaasaddi seedi maleh iyo sodog toona .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...