Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Dhaliilo Ay Shacabku U Jeediyeen Telefishanka Qaranka
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka jawaabtay dhaliilo ay shacabka somaliland baraha bulshada u mariyeen wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta.
Faroom lagu baahiyey boga wasaarada warfaafinta somaliland ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay inaan telefishanka qaranka laga baahin warkii uu safiirka dalka Jabuuti ugu jawaabayey gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.
Fariintan oo uu ku saxeexnaa madaxa wararka ee telefishanka qaranka somaliland Abiib Iimaan Xasan ayaa lagu sheegay in warkii safiirka dalka Jabuti u fadhiya somaliland aanu ka bixin telefishanka ay maamusho dawladu.
Fariintan qoraalkan ah ayaa u dhignayd sidan:-
Haddii aad meel ku aragtay astaanta Tv ga qaranka macneheedu maaha inuu baahiyey wixii goobtaasi lagaga hadlayey, waa hubsiimo la aan iyo degdeg xad dhaaf ah in lagu saaro eed iyo dambi aanad lahayn,
majiro war iyo barnaamij ku saabsan dhacdo social media ha aad ugu baahday oo aanu siidaynay mana siidayno arimahaasi oo kale.
BY: MADAXA WARARKA TV-GA QARANKA JSL ABIIB IIMAAN XASAN.
Mahadsanidiin