"Kulmiye Dacwad Ayaa Ka Taala Guddida Diwaan Gelinta, Dalkana Sidii Digtaytarka Ayaa…."..Proff Cabdi Cali

0
Thursday October 03, 2019 - 17:52:36 in News by
  • Visits: 2591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kulmiye Dacwad Ayaa Ka Taala Guddida Diwaan Gelinta, Dalkana Sidii Digtaytarka Ayaa…."..Proff Cabdi Cali

    "Kulmiye Dacwad Ayaa Ka Taala Guddida Diwaan Gelinta, Dalkana Sidii Digtaytarka Ayaa…."..Proff Cabdi Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulmiye Dacwad Ayaa Ka Taala Guddida Diwaan Gelinta, Dalkana Sidii Digtaytarka Ayaa…."..Proff Cabdi Cali


Hargeysa(HWN):-Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyey dacwad xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ka taala guddida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka.


Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa sidoo kale dhaliilay nidaamka dawladnimo ee haatan ka jira somaliland, isaga oo sheegay in wadanku u guurayo nidaam kaligii talis ah.

Image may contain: 1 person


Proff Cabdi Cali oo faah faahinaya dacwada xisbiga Kulmiye ka taala guddida diwaan gelinta ururada siyaasada ayaa waxa uu yidhi "Guddida diwaan gelintu talaabo fiican ayey qaadeen oo warqad ayey u qoreen xisbiga Kulmiye waxaanay ku yidhaahdeen waxa idin dacwaynaya ninkaas aad xisbiga uga saarteen sharci darada sida uu ku andacoonayo ka soo jawaaba, xisbigii Kulmiye warqadii kamuu soo jawaabin ee warqadii hoosta ayuu iska dhigtay waxaanay yidhaahdeen kama jawaabayno, ninkii ku saxeexnaa warqada nalagaga saaray ayaaba warbaahinta soo fadhiistay oo yidhi xubintu nama ashkatayn karto mana garanayo halka uu ka keenay waxaas.”



Sidoo kale waxa uu soo bandhigay hay’addo ku gafay sharciga dawladnimada kuwaas oo toos u hoostagay madaxtooyada "Taliyaha booliska, gudoomiyaha baanka dhexe, hanti dhawraha, hay’adda shaqaalaha iyo dawlada hoose madaxweynaha ayaa amar na siiyey ayey ku odhanayaan, madaxweynuhu amar idinma siin karee haddii uu amar idin siinayo waa inuu qodob sharci ah soo adeegsadaa balse iyaguna waxay moodayaan in madaxweynuhu amar iska siin karo, hay’addahaasi kuma shaqeeyaan amarka madaxweynaha sida ay dawladuhu u shaqeeyaan marka aynu ka waramayno, marka uu madaxweynuhu la hadlayo gudoomiyaha baanka dhexe ama maayarka qodob sharci ah ayuunbuu kula hadli karaa xataa haduu leeyahay waxaas sameeya qodob sharci ah ayuu adeegsanayaa.”


Ugu dambayn Proff Cabdi Cali ayaa ka dayriyey dimuqraadiyadii somaliland ka jirtay "Imika waxaad moodaa in sheekadu tahay sidii digtaytarka markaa doorashooyinka maxaynu ku falaynaa hadaynan dawladnimada garanayn, imika doorashooyin ayeynu samaynaynaa laakiin dawladnimadii way inaga qaldan tahay, markaa dimuqraadiyadii waxaynu ka fahanay oo kaliya doorasho.”ayuu yidhi Proff Cabdi Cali oo u waramay CBA.

Loading...
Loading...