Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Wasaarad Uu Ka Dhacay Musuqii Ugu Weynaa Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi

0
Thursday October 03, 2019 - 17:28:51 in News by
  • Visits: 4087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Wasaarad Uu Ka Dhacay Musuqii Ugu Weynaa Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi

    Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Wasaarad Uu Ka Dhacay Musuqii Ugu Weynaa Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Wasaarad Uu Ka Dhacay Musuqii Ugu Weynaa Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi

 


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay wasaarad uu ku eedeeyey in masuuliyiinteedu ay gaysteen musuq maasuqii ugu weynaa.


Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hayo cadaymo muujinaya in musuq maasuqii ugu weynaa uu ka dhacay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha, waxaanu ku baaqay in sharciga la horkeeno masuuliyiinta wasaaradaasi.




Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis oo ka hadlaya musuqa uu sheegay inuu ka jiro wasaarada ciyaaraha ayaa waxa uu yidhi "Tani waa miisaaniyadii wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee golaha wakiiladu u ansixiyey inay ku shaqeeyaan, waxaana iswaydiin leh mar haddii tartamada ciyaaraha ay maalgalinayaan shirkadaha iyo dadka kale ee muwaadiniinta ah oo ay bixinayaan diraysyada lagu ciyaarayo, baahinta iyo tansiilaadka kale waxa iswaydiin mudan halkee ayuu maraa kharashka loogu tala galay in sanad walba sadex bilood lagu qabto tartano.”


Sidoo kale xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha xisbiga Waddani ayaa ku baaqay in hanti dhawrku uu baadhis ka bilaabo wasaarada ciyaaraha, waxaanu yidhi "Waxaan ugu baaqaynaa hantidhawrka somaliland in la baadho wasaarada ciyaaraha, mudadaas xukuumada Muuse Biixi jirtayna musuq maasuqii ugu weynaa abid ayaa ka dhacay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha waxaanan leenahay hala baadho oo halala xisaabtamo waayo dhalinyaradii waa la khiyaameeyey oo khiyaamo weyn oo lafjab ah ayaa ku dhacday.”


Xoghaye Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in sharciga la horkeeno masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha "Miisaaniyada wasaarada hal doolar lagama isticmaalin labadii sanadood ee ugu dambeeyey markaa waxaynu u baahanahay halka la geeyey lacagtaas, cidii isticmaashay iyo wixii lagu qabtay haddii kalana dadka masuuliyiinta ka ah wasaaradaas in sharciga la horkeeno oo lala xisaabtamo xilkana laga qaato xabsigana loo diro si ay ugu waano qaataan dadka kale.”

Loading...
Loading...