"Xammaal-kii Wasiirka Noqday"
Magaciisu waa " Qawdhan" Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da'diisu waa ilaa 45-sano jir
. dhismaha jidhkiisu oo aad u
dhisamay, Jimcsi kuma dhismin ee waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka
iyo xoogsigga dhididkiisa xalaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u
dhacsado una dabbaro noloshiisa iyo tan qoyskooda.
Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka
rawaxaa isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo shurfta iyo qaaca
qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqadu ka keentay ee
marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay, dadka
qaar aan dhugasho badan lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn
qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra
inuu yahay xoogsato, waa nin rabi u dhaliyay karti iyo hal-adayg shaqo.
Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo
dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin,
dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay isagana dil uma
dhinayn, xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa
oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is
khilafaan madaama oo ay shaqada xammaalku tahay mid cullus ilaa
3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha ah" ayuu roggaa maalin kasta.
Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda bariiska sida loo dhigayo
oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay,
isagana la xidhay. bal maxaad qaan ugu galaysaa sida raso loo dhigayo
aannad lahayn ayuu dhawr jeer ka qoomameeyay.
Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ah inta
u maydho "in uu
labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar "Baakidh rooyal ah intuu qaato" oo u
tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood)
magacaas oo u dhigan inuu "Caay" yahay oo ku taalla meel dooxa agtiisa
ah, inta badanna ay isugu yimadaan xoogsatada"xammaalka,
dameerlaha,
biyoolaha,
nijaarka,
iyo
keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya
rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay "Hanti
ummadeed" oo fiilooyin dhaadheer
ku dhex quuta qurusyo xaraan ah,
meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad dareemayso inay
jogaan dad noloshooda ku qanacsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay
jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyay oo waayaha iyo wkhtiga
aduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo.
Ninkani laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. oo waa geesi aan hadalka
marrin-kiisa ka leexin
waa nin akhyaar ah oo sedexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa
Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta
oo bahal Qabyaalad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baanista ay
san-ka ka saaranyihiin inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan
ahay. dee waa runtii oo xagga
abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen Haldoor,
Ganacsato,
Culimo,
Aqoonyahan
iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta.
Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay wuxuu xidhanyahay
macawis iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo
uu ku tiirsanyahay Birkin yar" oo casaatay oo aad arki karto in ay
naddaafad ka suushay, gacanta midigna wuxu ku haystaa midh sigaar
"Rooyal" ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh dhamaatay, intuu
hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :-
hadii aan reerkaygu barigaa dagaalka galin inaan dalka la xoreyeen intuu
raaciyay afarray uu oday adeerkii ahaa Qarnigii 20aad uu tirriyay.
Haa waa qabyaali lkn hadanna qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan
gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka
beesha waa (Suldaan Qaac) isagana waa inmadeer tii rumma, suldaanku
aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu
tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo warka
8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna
istaadhmaa " "waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu
raftaa" ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu
afku ka xumaaday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay waar maxaa ka
galay colaadda aad u galayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku
shawray.
Suldaan-ka ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka
dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday
hadii aad "Barrayfat" gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto
wasiir ka yar kamaan dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la dooranayo
saxiibo ayaanu nahay.
Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu seexan inuu wasiir
noqdo oo uu madax noqdo, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u
geeyay madaxwaynaha iminka oo uu agaasime u magacaabay. habeen-kaa il
iyo baal isuma keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu
ahaa labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday.
meesha uu sexdaa waa meherrada yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e.
oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhaban ma dhigin ee
meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday
oo qiijiyay dhawr xabo oo sigaar ah.
Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas
oo looga bilaabay barashada labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii
xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood
ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo
7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu
buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyaa meeshii qayilaada
iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayay
xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku
noqdaa "wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku
dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn" isaguna jidkaas ayuu qaaday oo
waxa uu mar u ka sheekaynayay dhaqaallaha maraykanka(USA). maalin ayuu
aad u sharaxay waxa uu yidhi:- "dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa
uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla
shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen
ayuu doodiisa udub dhexaad uga dhigay .waar iminka waxaan ahay nin
siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa
madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday.
Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban
oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiriisida
iminka wuu joojiyay shaqda xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay
bakhaar waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay.
Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo yidhi:- igu kaalay meheradii( budh
la-duul) waa uu u yimi kawran waxbrashadii waxa la yidhi waxaad noqotay
khabiir sare ee. Intuu qosol yar qac ka siiyay ayuu yidhi:- iminka
mutacalin ayaan ahay suldaan.
Suldaan-ka oo show ay siyaasada isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah
oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu
wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaye "warkaas wuu
ku farxay habeenkii hurdo muu ladin" Subixii suladaan-ka ayaa soo wacay
inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar suudh-ku boqor u yahay looga
soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa
wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu qurxiyay timihiisa. Subixii
xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo suldaanka iyo labo Oday oo kala
ahaa Qaaje iyo qiiq " oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo
qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda isaguna daawade ka ahaa waxa
socda waxa la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo
ballan-tuna maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo madaxwaynaha waa la is
baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee
madaxwaynaha ayaa magaca ka qoray.
Maalmo aanu hurdo ladin waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo
dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa.
Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga
jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa
dhacay yaab!.
Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay
waar ma wasiir ayaa lagu magacabay yaa!. Hadalka ayaa igu dhaggay
maxaad maqashay ?. waar magacagii oo macal naanasytii "Qawdhan"la
socoto ayaan TV-ga ka maqlay.
Suldaanka ayaan wacay wuxu igu yidhi:-waxa laguu magacabay wasiirka
dhaqanka iyo dalxiiska waan farxay ilaa aqoon yarid ayaan isku oggahay
ee waxan is idhi waar mallaha dhaqanka waad fahmi kartaa ilaa nin
baadiye ku koray ayaad tahee, habeenkii xiggay aniga oo Suudh madoow ku
dhex jirra iyo suldaan-ka ayaa madaxtoyada kulla caweeyay madaxwaynaha
aniguna murti iyo xigmad waxaan maqlay ayaan madaxawaynaha ugu duurxulay
hasawaha guudna ku qurxiyay hayeshee waxay ahayd maddal Suldaanku ugu
mahdnaqayay madaxwaynaha.
Kullan casho ah ayuu ahaa ninyahoow!!.waxaan garanwaayay oo hilib
shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo
Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan
arkay anigoo sixinigii dhinaca kasoo rafacay oo dhawr jeer farraha
madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb kale ma jirin cunto
sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in madaxwaynahu uu ka
yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo balse kaftan ayaan ku
difaacday cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda
loo difaacdo oo kale .
Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay
sida aan farraha u leefaayay anigu laftigayguna waan iska yaabay!.
Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga
dheegto wuxuu ii arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay
shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska
wasarrada dhaqanka.
Subixii xiggay waxaan la wareegay xilka wasiirka waan arkay joornaalo
lagu dhaliilayo aqoontayda lkn ma sii fiirin oo waxan darreemay
niyadjab.qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayaan madasha
xil-warreejinta ka idhi cidii ii fiirasta waa fahmi kartaa inaan ahay
muqayil afmishaar ah.
Wasaarrada waxaan keenay dhowr xog-hayn ah oo iga caawiya qorrista iyo
diyaarinta qoraalda xafiiska arrintaasna waxa iga caawiyay aqoonyahan
aan isku hayb-nahay oo la dhaho "Gudcur" suldaan-ka ayaa yidhi:- la
shaqee oo ninka hag aniguna waxan ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka
sheegga qudbado loo diyaariyay.
Nin la haggayo ayaan ahaye wasaarrad ayaa shaqdeeda la dar-dar
galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii aanu isku beesha ahayn ayaa
meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hayadaha wasaarrada la shaqeeyana
waa nalloo kala turjuma saxeexana aniga leh oo dhaqaale fiican ayaan
hellay.
Marmar-ka qaar waxaan kala garanwaayi jiray in aan anigu xafiiska
wasiirka ahay iyo in suldaan-ku meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu
talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku
shubtay gurrina waa ka dhistay
Markii kowaad qoyskayga ayaan aniguna gurri banggalo ah u dhisay
aniguna waxaan dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo aan is
idhi mar waaba "Jin" intaan quruxdeeda ka yaabay!!. iyana waa la isiyay
waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e.
Shaqaale cusub oo beesha aha ayaan qoray oo suldaanku soo xulay ,qaarn
wasiiro aan saxiibo dhow noqonay ayaa wasarrada ay jogaan ku qorray.
qaar beellaha kale ah ayaan meesha ka eryay, dhawr mashruuc oo wasaarrad
soo gaadhay 3-meelood ayaan u qaybinay meel aniga ah oo aan bangiga ku
shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga ila
shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri
fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan.
Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhallaal badan oo uddug leh,
dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku
jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay!
habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay
af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun.
Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka xaaska iyo
caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta
midig ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya
"Filsan"gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis
ah xamaabrsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubaaxiyaa.
Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonaya oo yidhi:-wasiirka
saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo
aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaya guriga laftigiisa ayaa ay
xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan
rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay
inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn
jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse
ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna
shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa
waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhani ah, iminka 100$ ee aan
bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn
ama "shere"ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya.
Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday
oo maal ayaan yeeshay "Mood iyo Nool-ba leh" .waar ninyahoow sow
xoolahani xaraan maah waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka
boobaya dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar
meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq
reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay.
Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax i barayay oo nin si fiican
wax u fahma ayaan noqday, shahaaddoyin been abuur ahna waan samaystay,
bari dhawyd ayaan ku biiray jamacadda oo aan marmar xaadiro waxanan
bilaabay kuliyadda "maamulka iyo siyaasadda " oo aan dhawaan ka qalin
jabiyay iminkana waxaan shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku
diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala "Malaysiya" waar iminka nolosha
heer sare ayaan hiigsanayaa "hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro
hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayaan ku
hiigsanayaa".
Waxyaabaha xusuustay-da ah ee aan ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo aan
galay oo qabyaalad darteed ah, waxan shaqada ka erayay labo dumar ah oo
wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaan
badalkooda keenay kuwo beesha ah waxaan kale oo wasaarada ka eryay
dhalinyaro badan oo wax baratay oo aan meesha ka hurgufay kuwo beesha
ahna aan ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay igu bugaadisay waxaan la
igu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra.
Waxyaabaha aan la yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii aan
bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada
ah wax kusoo bartay inaan anigu shaqalaysiyay:-waxaan is waydiyay oo
horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yaraa.
Dhawaan qorashahaygu waa inaan xisbi iska sharaxo oo aan u tartamo
hogaanka ugu sarreeya dadlkeena wadankana aan ku hogaamiyo siyaasad
bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga
hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena
Maanta waxa ugu wayn ee horumarkayga halkan keenay waa beesha aan ka
dhashay oo iminka ii taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i
difacaan aniguna waxaan rabaa inaan awooda dalka gacanta u galiyo beesha
sida illaha dhaqaalaha iwm.
Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragada roon gollaha
wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma
garan karro.
Sidee Xafiisyadda dawlada loogga badbaadin kara Qabyaallada?.
La wadaag asxaabtada Facebook.
Facebook.Mustafe ahmed Geedi
WhatsApp.0659555532
Waxa Qoray.Mustafe axmed M Geedi-xaas
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...