'' Kaftanka Maanta , Waxa Kugu Haboonayd ,Afka Hayso Oo Qudha ''.

0
Thursday October 03, 2019 - 17:01:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta , Waxa Kugu Haboonayd ,Afka Hayso Oo Qudha ''.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi beribaa ciyaar ay isugu heeseen wiil iyo gabadhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi beribaa ciyaar ay isugu heeseen wiil iyo gabadhi , dabeeto wiilkii ayaa inantii daandaansaday , dabeeto inanti waxay ugu jawaaabtay heestan .

 

Waxaan kula hadli lahaa ,

 

Marka aad hagaagtaa ,

 

Reerkiina hanataa ,

 

Geeliina haysaa ,

 

Aabahaaga haydhka i ,

 

Hadhka soo fadhiistaa .

 

Imika waa halkaase , Boqor Buuramadow oo yidhi waxaan Xaal ka bixinayaa hadalka Djabouti iyo Faysal Cali Waraabe u dhaxeeya , oo Djabouti baan xaal marinayaa , isagoo gurigiisi gubanayo , deegaankii lagga soo doortayna qiiqayo , waxaynu leenahay ,

 

Boqor waad halmaantaye ,

 

waxa aad hadli lahayd ,

 

Markaad habar-lamaan iyo ,

waajibkeeda hanataa ,

Dabka huray bakhtiisaa ,

 

Hoygaaga qiiqiyo ,

hurushaagu qaayibay ,

holiciisa damisaa

 

Ma-huraanka kala qaxay ,

isu soo hawadisaa

hanbadooda korisaa

 

Inta bari hangalan yahay ,

Ceel-afwayn hawiran tahay

Halasuhu sidaa yahay .

 

Hiyi waale guud iyo ,

Hawo kuuma taalee ,

waxa kugu haboonayd ,

 

Dhuumashiyo hagoog iyo

inaad hoos u hadashiyo

Afka hayso oo qudha .

 

W/Q: Axmed Nuur Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...