Googaa Dadow Garaad Baan La Hadlayaa

0
Thursday October 03, 2019 - 17:00:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Googaa Dadow Garaad Baan La Hadlayaa

    Daqiiqado yar maskaxdaada ka shaqaysii oo yara akhri cilmi baa kaga kordhiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daqiiqado yar maskaxdaada ka shaqaysii oo yara akhri cilmi baa kaga kordhiye

Xildhibaanad Ilhan Omar waa gabadh soomaaliyeed oo iyadoo 12 jir ah oo qaxootinimo ku tagtay Maraykanka, dadaal dheer iyo kartideeda waxay sababtay inay gaal iyo muslim, madow iyo cadaanba kasbato oo cod ay siiyaan, iyaduna sida ugu wanaagsan ugu adeegto.



Inantaasi yar ee bulshadaasi ka soo dhex baxday hadii Soomaalida dhexdeeda isla booskaasi isku soo sharaxdo cidi umay codayseen, waayo dumarnimaa wax loogu diidi lahaa, waayo dhaqanka Soomaalidda ayaa dumarka dib u riixa wayna ku adag tahay in bulshada Soomaalidu cod siiyaan qof haweenay ah.


Hadaba kartidu waa qof waliba inta uu illaahay siiyo, haween badan oo rag dhaama ayaa jira.
Ilhan Cumar waxay is hayaan oo qaylo kaga keentay madaxweynaha dalalka aduunka ku yaalla ugu awoodda badan, waxay jaqaaq kaga siisay Carab oo dhan, waxayna noqotay inantii ugu horeysay ee muslim ah ee asturan ee golahaasi dhex fadhiisata.


Inay dumarku caqli badan yihiin waxa tusaale kugu fiilan, inantaasi yari waxay kasbatay dad kala diin, dhaqan iyo kala midab ah oo ay u midaysay inay iyada doortaan, waxaad barbar dhigtaa hogaamiyeyaasha Soomaalidda ee ee hal umad oo waliba muslim ah hal qoomiyad ah oo wax isku wada ah kasban kari waayey ma is leedahay sida Ilhan ayey kasban karaan dad kala dad ah, jawaabtu waa Maya.


Madaxweyne Muuse Biixi markii la doortay 80% dadku aad bay u taageersanaayeen waxayna aminsanayaan inuu wax weyn qaban doonno, rajo aad u weyna way qabeen, maanta miyuu xejistay halkii maalintii loo codayey dadku taagnaayeen mise hoos u dhac baa ku yimid ????


Madaxweyne Farmaajo maalintii la dooranayey sidan oo kale ayaa isna 80% dadku taageersanaayeen oo loo haystay inuu rumayn doonno rajadii dadku qabeen, hadase 10% ma haysto taageeradda shacabka Soomaaliya ???


Hadaba yeynaan dhayalsan kartidda dumarka, dumarka Soomaaliydu waa kuwaa dadkii kala diinta, dhaqanka iyo midabka ahaa meel iskugu keenay ee codka wada siiyeen, ee keentay inay murmaan kii aduunka u haystay inuu u muruq weyn yahay, halka madaxda Soomaaliduna dad hal qoys ka soo wada jeeda oo isku wada ehel ah xukumi kari la’..


Su’aashu waxay tahay, sababta hogaamiyaha Soomaaligu dadka halka qoys ka kooban u kasban laayihiin quluubtooda iyo sababta inantaasi dadkaasi kala duwan u kasbatay quluubtoodda.???

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...