Bisaddii Hargeysa: Barjaha Masuuliyiinta DHH Ee Maalin Qudha Ayaa Naga Badan

0
Thursday October 03, 2019 - 16:58:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisaddii Hargeysa: Barjaha Masuuliyiinta DHH Ee Maalin Qudha Ayaa Naga Badan

    Makulaashi waxa ay leedahay intii aad iibinayseen kaalintii shidaalka DHH, dhulkii FAO,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Makulaashi waxa ay leedahay intii aad iibinayseen kaalintii shidaalka DHH, dhulkii FAO,
jagadii WFP iyo danta guud nama aydaan casuumin. Ta kale ma xarunta ay shaqaalaheedu bilaha bilaa mushaharka yihiin ayaa cid waxtari karta. Haddii aad maalin qudha baraar ama biiq noo qashaan waanu idiin ducayn lahayn!

Bisaddeeni waxay tidhi


"Shaqaalihi bartaadiyo
Dawlad hoose buuxaan
Mushahaarka beensiyo
Bilo qaadan lacagtee
Biilkiyo iskuulkiyo
Kiro biniyadeediyo
Biyihiyo halkee baa
Nalka baaqigiisii
Laga sii bixinayaa”

Bisaddeenni waxay tidhi
"Xaruntii batroolkee
Maayar Cawl kal hore bilay
Baloodhada dantee guud
WFP Boos
Hore loogu beegiyo
Bogcad FAO la siiyiyo
Markaad baayacsaan
Hantidii baraad-li’i
Baxsanow dharaar qudha
Haddii aad baraar iyo
Biiq nagu casuuntaan
Barakiyo sareedaan
Baryi lahaa Raxmaan
Anigoon la baydhayn
Hambalyaan bariidada
Ku bogaadin-laa oo
Duco baaxad weyn baad
Bidhiqsiga ka helaysaa
Beeshayda huunnee

Intaad baagag jaadiyo
Kookaha badsanaysaan
Barjihiinna oo qudha
Maalin boowe noo hura”

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...