Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland

0
Thursday October 03, 2019 - 16:44:22 in News by
  • Visits: 1972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland

    Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Shirkii golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor


Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.


Wasaaradda horumarinta maaliyaddu iyadoo ka duulaysa oddoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, waxay diiradda saaraysaa, soo ururinta dakhliga miisaaniyadda.


Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda qaran ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono.


Ugu danbayn wasiirka wasaaradda boosaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa golaha u soo bandhigay nidaamka hirgelinta E-Government Somaliland, kaasoo goluhuna u ballamay in loo qabto kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu gorfeeyo.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Loading...
Loading...