Gabadhii U Doonanayd Weriyii Jamal Khashoqji Oo Sanad Ka Dib Goobtii Lagu Dilay Ku Dalbatay Cadaalad

0
Thursday October 03, 2019 - 10:33:07 in News by
  • Visits: 2566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii U Doonanayd Weriyii Jamal Khashoqji Oo Sanad Ka Dib Goobtii Lagu Dilay Ku Dalbatay Cadaalad

    Gabadhii U Doonanayd Weriyii Jamal Khashoqji Oo Sanad Ka Dib Goobtii Lagu Dilay Ku Dalbatay Cadaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhii U Doonanayd Weriyii Jamal Khashoqji Oo Sanad Ka Dib Goobtii Lagu Dilay Ku Dalbatay Cadaalad


Munaasabad duco ayaa waxaa magaalada Istanbul loogu qabtay weriyihii reer Sucuudi Carabiya, Jamaal Khaashuqji, kaas oo sanad ka hor lagu dilay dalka Turkiga.


Khaashuqji oo ahaa ahaa weriye caan ah oo dhaliila dowladda Sucuudi Carabiya ayaa howlwadeenno Sucuudi ah waxa ay ku dhex dileen qunsuliyadda boqortooyada ee magaaladaasi Turkiga ku taal.

Hatice Cengiz, wearing an orange hijab and glasses, dries her eyes at a vigil for her late fiance Jamal Khashoggi, at the site of his murder in Istanbul


Haweeneyda u doonnaneyd Hatice Cengiz ayaa waxa ay munaasabadda ducada ay ka sheegtay inay weli cadaalad doonayso.


Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa waxa uu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku lahaa dilka, hasayeeshee khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku baaqeen in ninkaasi la baaro.


Warbixin ay soo saareen bishii Juun ayey khubaradu dilkaasi ku tilmaameen "mid sharci-darra ah oo laga sii shaqeeyay".


Axaddii ayuu Maxamed bin Salmaan uu sheegay inuusan shakhsiyan isagu amrin in la dilo Khaashuqji, hasayeeshee uu hogaamiye ahaan qaadanayo guud ahaan mas'uuliyadda dilkaasi.


Dacwad oogayaasha Sucuudiga ayaa waxa ay dacwad ku soo oogeen 11 qof oo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen "howlgalka arxandarra ah" ee sababay dhimashada Khaashuqji.


Shan ka mid ah raggaasi ayaa waxa ay dacwad oogayaashu doonayaan in dil lagu xukumo.


Hasayeeshee hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay sheegaysaa in maxkamadeynta aanay gaarsiisnayn heerarka caalamiga ah iyo in mas'uuliyiinta Sucuudiga ay "hor istaageen isla xisaabtanka dhabta ah".


Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadanaha waxay dalbanayaan in cadaallad ay helaan qoyska weriyihii caanka ahaa ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, sannad ka dib markii lagu dilay Turkiga.


Maamulka Sacuudiga weli ma aysan muujin "isla xisaabtan macno leh", ayey qortay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay hay'adaha Xuquuuqda Aadanaha.


Hay'adahan waxay Boqortooyada ka dalbanayaan in la sii daayo dad kale oo dowladda dhalleeceyn jiray oo weli xabsiyo ku xiran.


Jamal Khashoggi, oo ka tirsanaa wargeyska Washington Post, waxaa lagu dhex dilay, maydkiisana lagu jarjaray, Qunsuliyadda Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, 2-dii bishii October, ee sannadkii la soo dhaafay.


Waxaa la sheegay in 15 xubnood oo u shaqeynayay dowladda Sacuudiga ay Turkiga u tageen fulinta howshaas. Illaa iyo haddana maydkiisa lama helin.


Sida ay qortay AFP, 11 qof oo arrintaas lagu eedeeyay ayaa maxkamad lagu soo taagay Riyadh, kuwaas oo shan ka mid ah lagu xukumay dil, balse dhageysiga dacwadda waxay ka dhacday meel qarsoon, lamana shaacin magacyada eedeysanayaasha.


"Maamulka Sacuudiga wuxuu xannibay isla xisaabtan wax ku ool ah oo la xiriira dilkii Khashoggi," ayey tiri hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.


Hay'adda waxay cambaareysay hadalkii dhowaan ka soo yeeray dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo sheegay in uu aqbalay in masuuliyad wadareed ay ahayd dilkii Khashoggi, balse wuxuu beeniyay in isaga si shaqsi ah loogu eedeeyo arrinta.


"Haddii ay dhab ka tahay, amiirka iyo dowladdiisa waxay soo bandhigi lahaayeen maxkamadeyn daahfuran, waxayna shaacin lahaayeen waxkasta oo ay ka og yihiin qorsheynta, dilka iyo ka dib wixii dhacay markii la dilay Jamal Khashoggi," Waxaa sidaa sheegay Agaasimaha HRW ee Bariga Dhexe, Sarah Leah Whitson.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...