Faysal Cali Waraabe Weerarka Madaxweynaha Jabuuti Uu La Beegsadey Waa Meel-Kadhac iyo Mashruuc uu Imaaraadka Kasoo Qaatey

0
Thursday October 03, 2019 - 10:04:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Weerarka Madaxweynaha Jabuuti Uu La Beegsadey Waa Meel-Kadhac iyo Mashruuc uu Imaaraadka Kasoo Qaatey

    Anigoo ku hadlaya Fikirkeyga Shakhsiga ah Najiib Ismaaciil Maxamed(Madaxweyne),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ku hadlaya Fikirkeyga Shakhsiga ah Najiib Ismaaciil Maxamed(Madaxweyne),
 inta badana  baddana ka hadla Mawaadiicda Siyaasadeed ee Somaliland iyo Dalalka Dariska ah Iyo Manadaqada guud ahaanba Waxaa had iyo jeer jirta in Shacbiga Somaliland ay mar Walba iska laab raacaan Sida Spodhaha hadal aan Meelna Haysan, oo ka baxsan Nidaamka anshaxa iyo Dariiqooyinka Siyaasadeed iyo Dublamaasiyada intaba.


Waxaan Qoddobkaygan Maanta kaga hadlayaa kuna Soo qaadayaa, inaan si adag ugu Durro kuna Tilmaamo hadal aan Meelna haysan oo Diblamaasiyada iyo anshaxa ka baxsan hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe uu Madaxweynaha Jabuuti ku Weeraray Ismaaciil Cumar Geele, Waxaan leeyahey in Dawllada Jabuuti ina taageerto oo aynu Soomaaliya ka Xigsano inakaa isku hayna ma aha Wax aynu cid kale ku eedayn karno, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Waxa uu hadda Gudoomiye Xisbi yahey, Mudo ka badan Wakhtigii loogu tallo galey, haddana Siyaasada Iyo Nidaamkeedii iyo.hadalkeedii, iyo asluubteedii, Duurxulkeedii, qaabkii loola hadli lahaa Dawlladaha jaarka ah ee loogu sheegi lahaa tabashadeena xataa Wali muu baran, Mana ogola in uu Xisbigii u baneeyo Dhalinyar Cusub oo Dhiig Cusub ku Shuba Xisbiga, ee Wali waa Shandad uu isagu sito.

Waa dhab in ay Daacad ka moodeen Shacbigeenu hadalkii uu ku Weeraray Ismaaciil Cumar Geele laakiin Sidaa ma aha isagana Daacad ma aha haseyeeshee, Waa Mashruuc uu kasoo qaatey Dalalja Imaaraadka had iyo jeerna Weerarkiisu laba arimiod ayuu Salka ku hayaa oo kala ah Mashruucyadaa iyo Isir Qabayaaladeed Waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe Wali muu Fahmin Odoroska Siyaasada Waxayse Bello.ka joogtaa Shacbigeenu in aanay fahansanayn Mashaariicdisa.iyo hadba daneysigiisa gaarka ah Bari ayaa la arki doonaa isaga oo amaanaya Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...