Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Sheekh Shariif Oo Ka Digay Burbur Dawladeed, Dhaliilayna Shirka Madasha Iskaashiga Somaliya
Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu soo gabegabeeyay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday deeq bixiyeyaasha caalamka, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada federaalka.
Sheekh
Shariif oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xun yahay in
Soomaaliya lagu qabto shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha
Caalamka, iyadoo ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka
jira.
"Xaaladda
dalku ku jiro ma fiirsan karno, dib u heshiisiintii dawladda iyo maamul
goboleedyada waxaa diiday Madaxwayne Farmaajo, Shirka caalamiga ee Muqdisho ka
socda waxaa ka maqan laba Maamul goboleed oo waawayn mana ahan in beesha
caalamku ay tixgalin wayso” ayuu yiri Shiikh Shariif.
"Dhaqaalaha
la leeyahay waa uu soo kabanayaa halkee ayuu ka imaanayaa mar hadii aanay
shacabku isu socon karin, Shaqadii dawladduna tahay mid qof qof ku badal ah,
,Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama la marin-habaabiyey ee lasoo
adeejiyey Caay ay Caytameen anagu xaqa ugama istaageyno” ayuu sidoo kale yidhi
Madaxwayne Shariif.
Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale ka hadlay amniga Muqdisho iyo jidadka
xiran.
"Dadka
markay ku dhax-jiraan laba cadow oo mid Shabaab yahay midna dowladda tahay
aaway amniga iyo dhaqaale kororka laga shaqeeyey, Wasiirada iyo Xildhibaanada
DF looma ogola inay xaqa ka hadlaan, marka anaga waxa naloo caynaayo waa maxaad
xaqa uga hadlaysaan dalkaan meel adag ayaan kasoo saarnay mana ka aamusi-karno”
ayuu sii raacsiiyay hadlkiisa Sheekh Shariif.
"Nidaamka federaalka waxaa ku heshiiyey shacabka Soomaaliyeed, waxaan ka walaacsan nahay in sharciga la jebiyo, federaalkana la dumiyo, taasoo horseedeysa burbur dowladeed” ayuu intaas raaciyey Madaxweynihii hore ee Somalia.