Madaxweyne Biixi Oo Laga Sugayo Inuu Golihiisa Xukuumadda Ku Sameeyo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn

0
Thursday October 03, 2019 - 08:57:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Laga Sugayo Inuu Golihiisa Xukuumadda Ku Sameeyo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn

    Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu isku

shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa.



Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar la isla dhex marayo oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu dhammaystiray isku shaandhayn iyo xil ka qaadis iyo isku bedel uu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanaa oo uu ku samayn doono xukuumadiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Biixi xukuumadiisa ku soo daro rag miisaan culus ku leh siyaasadda, isagoo xilalka ka qaadi doono xubno ka mid ah wasiiradiisa.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano culus oo uu ka mid yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa garbihii ololaha ee Madaxweyne Biixi, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu markii uu talada qabatay soo dhisin gole xukuumadeed oo garbo culus leh oo dalka ka saari kara xaaladda siyaasadeed ee uu marayo.

Waxa kale oo la saadaalinayaa in Madaxweyne Biixi kala jebin doono wasaaradaha qaarkood oo uu ka dhigi doono labada wasaaradood, waxaana wasaaradda la hadal hayo inuu kala qaybin doono ka mid ah wasaaradda xanaanada xoolaah iyo kalluumaysiga oo markii uu talada qabtay uu ka dhigay hal wasaarad, balse xukuumadihii hore ahaa laba wasaaradood.

Dad badan ayaa markii uu Madaxweynuhu xukuumadiisa dhisay dhaliilay labada wasaaradood ee uu Madaxweynuhu  isku daray ee kalluunka iyo xoolaha oo uu mid waliba ahmiyadiisa iyo culayskiisa gaarka ah leeyahay.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaa in Madaxweynuhu xil ka qaadis ku samayn doono xubno ka mid ah agaasimayaashah guud ee xukuumadiisa, isagoo sidoo kale buuxin doona jagooyin agaasime guud oo banaan sida agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga.

Badhasaabada dalka qaarkood ayaa iyagana la filayaa in Madaxweynuhu isku bedel ku sameeyo, xubno koobana uu xilalka ka qaado.

Shacabka ayaa waxay dhawrkii biloodba mar aad u hadal hayaan isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ay saadaaliyaan inuu samayn doono Madaxweyne Biixi, lamana garanayo sababta keenta hadal haynta badan ee isku shaandhaynt iyo xil ka qaadista Madaxweynaha Biixi.

 

Loading...
Loading...