Taaj Qarnigii 18-Aad Laga Xaday Itoobiya Oo Dib Loo Soo Celinayo

0
Thursday October 03, 2019 - 08:44:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taaj Qarnigii 18-Aad Laga Xaday Itoobiya Oo Dib Loo Soo Celinayo

    Taa laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii suurogashay in dib loo helo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taa laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii suurogashay in dib loo helo,

waxaana dib loogu celinaya dalkaas kaddib markii 21 sanno oo Taajkan dib looga hela guri ku yaal dalka Netherlands.



Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa.

"Waxaa la joogaa xilliggii ugu haboonaa ee dib loo celin lahaa Taajka si ay dib ula wareegaan dadkii lahaa oo Itoobiyaan ah" ayuu u sheegay BBC-da

Taajkan wuxuu kamid yahay Taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.

Waxaana Taajka lagu ilaalinaya guri si weyn ammaankiisa loo adkeeyay tan iyo inta dib looga celinayo Itoobiya.

Taarikhda Taajkan

Sirak Asfaw wuxuu ka qaxay Itoobiya sannadkii 1978-dii, wuxuu ka cararay qalalaasihii siyaasadeed ee maamulkii Derg ee Itoobiya taas oo awoodda la wareegtay sannadkii 1974-kii, dowladdaas waxay ku dhaqaaqday howlgal ay boqolaal kun ku dhinteen halka dad badan ay dalka isaga carareen.

Ninka wuxuu Itoobiyaanka gaaro Netherlands ku qaabili jiray gurgii uu degnaa oo ku yaal Rotterdam sanadihii 1980-kii iyo 1990-kii.

Sannadkii 1998-dii, wuxuu la kulmay nin boorso ku sita Taajka, wuxuu hor joogsaday ninka isla markaasna wuxuu ku adkeystay in Taajka lasoo xaday dib loo celiyo.

"Inta badan dadka dan maka laha dhaqanka dhaxalka ah, waxaan daacad u ah Itoobiya" ayuu yiri Sirak Asfaw.

 

Markii, ra'iisul wasaare uu dalka ka noqday Abiy Axmed, Sirak wuxuu go'aansaday in Taajkan dib loogu celiyo Itoobiya.

Wuxuu la xiriiray nin ka shaqeeyo farshaxanka kaas oo kala shaqeeyay sidii dib dalka loogu soo celin lahaa Taajka.

 

Waxay ka dhuur sugayaan dowladda Itoobiya sidii ay xiriir ula sameyn laheyd si loo qorsheeyo in dalka dib loogu celiyo Taajka.

"Waxaan doonayaa in Taajka uu noqdo astaan midnimo iyo isku duubnaan, dib u helidda Taajka waxaa dabaaldegyo u sameyn doonaa Itoobiyaan iyo xitaa Afrikaanka" ayuu yiri Sirark.

 

BBC

Loading...
Loading...