Ra'iisul Wasaare 16 Milyan Oo Doolar Siiyay Gabadh Uu Shukaansaday
Arrintan ayaa la ogaaday kadib
markii waaxda casnhuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay ogaadaan
halka ay lacagta ka timid, taas na ay keentay in arrinta ay maxkamad tagto.
Wargeyska ayaa waraaqo uu ka
helay maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika waxaa uu ku ogaaday in gabadhan ay
horay u sheegtay in xirir haasaawa uu ka dhaxeeyay iyada iyo Sacada Al Xariir,
kadib markii ay ku kulmeen goobo loo dalxiis tago oo ku yaala jasiiradda
Seychelles.
Ra'iisul wasaare Sacad Al Xariir
ayaa xiliga uu lacagta siinayay Ms. Van der Merwe waxaa la sheegay in uusan wax
xil ah heynin, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahayd 2013-ka. Lacagta uu
siiyay gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in aysan waxba ku jabneyn oo uusan
jabinin sharciyada u degsan dalalka Lubnaan iyo Koonfur Afrika.
Arrintan ayaa soo shaac baxday
xilli dalka Lubnaan uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale.
Lacagtan ayaa la sheegay in uu u
diray intii u dhaxeysay labada jeer ee uu xilka qabtay ee sanadkii 2013-ka.
Ms. van der Merwe ayaa xiligaas
ahayd 20 sano jir, oo waxay kusoo caan baxday xayeysiis ay u sameyeysay shirkad
sameysa cabitaanka.
Isla sanadkii 2013-ka, ayaa
hantida Van der waxay noqotay 15 milyan oo doolar, kadib markii ay lacagta ka
heshay Xariiri.
"Waan ku jeclahay, Sacadkeygi:),"
ayay Van der Merwe ku tiri farriin ay u dirtay, kadib markii ay u gudbisay
akoonka bangiga loogu soo shubayo lacagta, si ay guryo iyo alaabo kale ugu
iibsato. Lacagta ayaa isla markiiba markiiba kusoo dhacday akoonka gabadha.
Wargeyska The New York Times oo
qoray warbixintan ayaa isku dayay in uu xiriiro Van der Merwe, si ay wax uga
weydiiyaan arrintan, balse waalidkeeda iyo qareenkeeda oo ku matalay maxkamadda
ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan.
Ms. Van der Merwe ayaa maxkamadda
ka hor cadeysay in iyadoo 19 jir ah ay u safri jirtay meelaha caanka ah ee loo
dalxiis tago, oo ay kamid tahay goob loo dalxiis tago oo ku taala jasiiradda
Seychelles, halkaas oo ay aad u boqdaan dadka hantida leh oo aysan lacagta
agtooda waxba ka ahayn.
Markii dowladda Koonfur Afrika ay
gabadha wax ka weydiisay halka ay ka keentay lacagta ayaa waxay sheegtay inay
tahay hadiyad ay ka heshay saaxiibkeed, lacagtaas na ay ku iibsatay qasri ku
yaala magaalada Cape Town. Sidoo kale lacag dhan 2.7 milyan oo doolar ayay amaahisay
shirkad ka shaqeysa dhismaha oo uu aabaheed wax ka leeyahay.
Sacad Al Xariiri kama uusan
jawaabin warbixintan uu qoray wargeyska, waxaana kooxda u qaabilsan dhanka
warbaahinta ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan.
Sacad Al Xariiri oo xiriir la leh
dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ah ra'iisul wasaaraha dalka Lubnaan ee
suniga ah, kana mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalkaas, waxaan
hantidiisa lagu qiyaasay lacag dhan 1.9 bilyan oo doolar.
BBC