Ardayda Kuliyadda Engineering-ka Oo Soo Bandhigay Naq-shadaynta Iyo Qorshaynta Magaalooyinka Qaabka Loogu Sameeyo.

0
Tuesday March 19, 2019 - 16:42:08 in News by
  • Visits: 2689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Kuliyadda Engineering-ka Oo Soo Bandhigay Naq-shadaynta Iyo Qorshaynta Magaalooyinka Qaabka Loogu Sameeyo.

    Ardayda Kuliyadda Engineering-ka Oo Soo Bandhigay Naq-shadaynta Iyo Qorshaynta Magaalooyinka Qaabka Loogu Sameeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda Kuliyadda Engineering-ka Oo Soo Bandhigay Naq-shadaynta Iyo Qorshaynta Magaalooyinka Qaabka Loogu Sameeyo.


Hargaysa(HWN)Jaamacadda Hargaysa Qaybteeda Architecture And Urban Planning ayaa maanta Magaaladda Hargaysa waxa ay ku soo bandhigeen Cilmi baadhis iyo Qorshayaal Ay Sameyeen kuwaas oo ay doonayaan in lagu horumarinayo magaaladda hargays oo loo sameeyo dhisaynayo cusub oo la jaan-qaadaya dunida lana kala xadeeyo fooqyadda iyo dhismayaashas Caadiga ah.



Munaasibadan balaadhan oo loogu qabtay hoolka jaamacadda ayaa waxa keneen Ardaydu dhisayno ay sameyeen oo ay ku muujiyeen sida ay u kala Xadeyeen fooq-yadda,goobihii caafimaadka,dugsiyadii,suuqii taasi oo lagu muujinayay sida ay laga maarmaanka u tahay in mid kasta dhankeeda loo habeeyo.


Madashan carwaddaha ah oo loogu tallo galay in ay socoto muddo saddex cisho ah ayaa qofkasta waxa uu indhihiisa ku arki karaa sida ay Ardayda Dhigata Architecture And Urban Planning ay isku hawleen in ay soo bandhigaan qorshayaal bulshadda cajab galiyay oo la talaabsanaya Qorshayaasha Dunida Loo Sameeyo.


Munaasibada ayaa waxa ka soo qayb galay,wasiirka hawlaha guud,guddoomiyaha Jaamacadda,Hormuudka Kuliyadda,Agaasimaha Tacliinta Sare Ardayd iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan kuwaas oo dhamaantood u bogay naq-shadaynta cusub ee ay ardaydani soo bandhigeen in lagu sameeyo magaaladda,waxaana kale oo ay masuuliyiinta muuqaal ku tuseen Ardaydu sida loo habayn karo isagana suuqa hargaysa oo meesha looga saari lahaa is Dulsaarka iyo wado la’aanta hadda haysata.


Qorshahan ay soo bandhigeen Ardayday Architecture And Urban Planning Ayaa sidoo kale ah mid ay shirkadda dhismaha sameeya ku tusayeen in marka hore ay sameeyaan dhisanayo marka ay guryaha dhisayaan ka dibna fuliyaan dhismaha balse aanay iska qotomin uun goob wado dhex-deeda.


Wasiirka Hawlaha guud ayaa Ardayda Dhigata Architecture And Urban Planning ku amaanay sida ay u buuxiyeen kaalin qaranka ka banaanayd,waxaana uu shirkaddaha ku war galiyay in hadda ay dhamaatay wastaadadii guryaha qan-daraasi jiray oo hadda ay badali doonaan Ardaydan si farshax-nimadda ku dheehan tahay hawlaha u wadda.


Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Ayaa tilmaamay in Qorshan yahay mid jaamacaddu jeexday oo la doonayo in bulshadeenu wax badan ka ogaato isla markaasina waxa uu balan qaaday in ay soo saari doonaan Ardayda Architecture And Urban Planning oo inta hadda ay soo bandhigeen mid ka sii wanaagsan la baray.


Agaasimaha Tacliinta Sare ee somaliland ayaa sheegay in madashan adeegyadda iyo dhisaynadda la rabo in dalka lagu qurxiyo ay ka turjumayso in dalka somaliland ay u soo kaceen aqoon yahano bulshadda wax ku celin kara oo dalkana galin kara Yidi-diilo cusub.


Hormuudka Kuliyadda Engineering Axmed Shirwac ayaa cadeeyay in dadaalkii ay galiyeen ardayday dhigata Architecture And Urban Planning ay muuqata isla markaasina loo baahan yahay in dadaalka iyo qorshayaasha ay halkaasi ka siiwadaan.


Gaba-gabadii Ardayday ayaa masuuliyiinta dawladda ku soo wareejiyay madash ay ku soo bandhigeen carwadda ay ugu magac dareen dhisaynadda iyo qorshaynta dalka,waxaana ay tani faa’ido wayn u tahay wasaaradda hawlaha guud oo doonaysay in ay dalka naqshadaynta cusub galiso.

 


 
 
Loading...
Loading...