Dawlada UK Oo Shaacisay Inay Bilaabayso Dedaalo Ay Iskugu Soo Dhawaynayso Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Khilaafka Badu U Dhaxeeyo.

0
Wednesday October 02, 2019 - 18:14:36 in News by
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada UK Oo Shaacisay Inay Bilaabayso Dedaalo Ay Iskugu Soo Dhawaynayso Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Khilaafka Badu U Dhaxeeyo.

    Dawlada UK Oo Shaacisay Inay Bilaabayso Dedaalo Ay Iskugu Soo Dhawaynayso Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Khilaafka Badu U Dhaxeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada UK Oo Shaacisay Inay Bilaabayso Dedaalo Ay Iskugu Soo Dhawaynayso Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Khilaafka Badu U Dhaxeeyo.

 


Nairobi(HWN):-Dawlada Ingiriiska ayaa shaacisay inay dhexdhexaadin u bilaabayso wadamada khilaafku u dhaxeeyo ee Kenya iyo soomaaliya.

Image result for Miss Jane Marriott meet with william Ruto


Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhida Kenya Mss Jane Marriot ayaa kulan ay la qaadatay madaxweyne u xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegtay inay dedaal ugu jiraan sidii ay iskugu soo dhawayn lahaayeen wadamada khilaafku u dhaxeeyo ee soomaaliya iyo Kenya.


Danjiraha Britain u qaabilsan Kenya Jane Marriot oo warbaahinta la hadashay ka dib kulanka ay la qaadatay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa ka warbixisay dhexdhexaadinta ay ku mashquulsan tahay dawladeedu waxaanay tidhi "UK waxay dedaal ugu jirtaa inay dhexdhexaadiso wadamada Kenya iyo Soomaaliya ee khilaafka xuduuda badu u dhaxayso, wada hadalkuna waa furaha lagu xalin karo khilaafkan bada ee u dhaxeeya labada dal.”


Danjiraha oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raacisay "kulankii madaxweyneyaasha soomaaliya iyo Kenya ee shirkii qaramada midoobay waa mid laga ogaan karo habka lagu xalinayo khilaafka labada dal, wada hadal u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya waxa lagu ogaan karaa oo muhiim ah habka loo xalin karo khilaafka jira, taasina waa sababta uu madaxweyne Kenyatta ula kulmay dhigiisa soomaaliya intii uu socday shirkii guud ee qaramada midoobay.”


Dedaalada ay haatan dawlada UK bilawday inay iskugu soo dhawayso wadamada Soomaaliya Iyo Kenya ayaa ku soo beegmaya wakhti ay maxkamada ICJ dib u dhigtay dhagaysiga dacwada bada mudo laba bilood ah, taas oo dib u bilaabaysa horaanta bisha November ee sanadkan 2019.

 

 

Loading...
Loading...