Xukuumadu Siday U Aragtaa Doodda Mucaaradka Ee Ah In Madaxweyne Biixi Lagu Kiciyo Kacdoonadii Gu'gii Carabta Oo Kale

0
Wednesday October 02, 2019 - 17:28:17 in News by
  • Visits: 2038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadu Siday U Aragtaa Doodda Mucaaradka Ee Ah In Madaxweyne Biixi Lagu Kiciyo Kacdoonadii Gu'gii Carabta Oo Kale

    Xukuumadu Siday U Aragtaa Doodda Mucaaradka Ee Ah In Madaxweyne Biixi Lagu Kiciyo Kacdoonadii Gu'gii Carabta Oo Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadu Siday U Aragtaa Doodda Mucaaradka Ee Ah In Madaxweyne Biixi Lagu Kiciyo Kacdoonadii Gu'gii Carabta Oo Kale

Hargeysa(HWN):-Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi ayaa sheegay in madaxweyne Biixi aan loo baahnayn in mudaharaadyo lagu rido ee laga codeeyo, waxaanu ku dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani inuu kicin dadweyne dalka ka wado. 




Xasan Gaafaadhi ayaa sida oo kale xisbgiga Waddani ku eedeyay inuu dalka qodax ku qaybinaayo, waxaanu sidan ka sheegay xaflada ciidamada bada oo uu kaga qaybgalay magaalada Berbera, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi " Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani hadalo ka baxaayay oo aad moodo inay dhabar jab ku yihiin qaranka oo muujinaaya calool xumo iyo niyad xumo oo muujinaayay halku dhiga ay meesha ku qorteen iyo waxa ay lahaayeen inay aad iyo aad u kala fogaayeen, dal mid ah iyo dad mid ah may ahayne qodax,gocondho iyo caraancar ayaa la qaybiyay aad iyo aad ayaan uga naxay wax ididiilo ah oo meesha ka muuqdayna may jirin, waxa ka mid ah waxyaabaha layaabka leh waxa la yidhi xukuumada siyaasadeeda arimaha dibadu waa ma dhalays oo waa fadhiid oo safaro madhalays ah oo aan waxba tarin ayaa lagu baxay waxaan la yaabsanahay xagay ku maqnaayeen markii safarada qaarkood ay dawlado dhami xidhiidhka isugu goynayeen ma waxaan odhan karnaa waa madhalays mise waa safaro midho dhal ah, raga meesha fadhiyay ayaan safka hore eegay waxa ii muuqday rag marka hore caruurtooda dibada gaystay iyo in kale oo badan oo hada Turkiga iyo Masar geeyay waa rag aanay caruuri ka joogin oo lacagta dugsiyada aan bixin, waa rag aan garanayan askariga sida uu ardaygiisu wax u barto, hadii askarigu uu dugsiga sare ardayga soo gaadhsiiyay waxa uu mudan yahay in waxii la tari karo la taro.” 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Rabiicu waxa uu ka dhacaa nin kursiga ku raagay oo kaligii taliye ah laakiin nin baritaba doorasho sugayso oo tii danbe ay sadex sanadood ka hadhsan tahay adeer maxaa rabiical carab keenay waabu iska tagayaaye baritoole codka hawgu ridin hadaad saluugto, haduu nin shaqeeya yahayna waa uu soo noqon oo ma diidi kartid markaas waxay tusaysaa dadka kicin.”
Loading...
Loading...