Gaadiidleyda Xamuulka Oo Cabasho Ka Muujiyay Tacadiyo Haysta Oo ay Wehel Uga Noqdeen Xukuumada Somaliland

0
Tuesday January 29, 2019 - 20:38:44 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidleyda Xamuulka Oo Cabasho Ka Muujiyay Tacadiyo Haysta Oo ay Wehel Uga Noqdeen Xukuumada Somaliland

    Berbera (HWN) -Qeybo badan oo Kamid ah Gaadiidleyda Xamuulka ka Ka Qaada Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera, ayaa Cabasho Xoogan ka Muujiyay Duruufo adag iyo Dhibaatooyin ay Ku Waayeen Xuquuqdii Muwaadinimo ee ay Lahaayeen Kadib Markii, Gaadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera (HWN) -Qeybo badan oo Kamid ah Gaadiidleyda Xamuulka ka Ka Qaada Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera, ayaa Cabasho Xoogan ka Muujiyay Duruufo adag iyo Dhibaatooyin ay Ku Waayeen Xuquuqdii Muwaadinimo ee ay Lahaayeen Kadib Markii, Gaadiidka Dalka Itoobiya ka Qaadey Xamuulkii iyo Agabkii ay Qaadi jireen Islamarkaana, ay Xukuumada Somaliland kala Kulmeen Dhibaatooyin fara badan oo aan joogsi laheyn, Kuwaas oo Dhinacyo badan ka Saameeyay. Gaadiidleyda, Gaadiidka Xamuulka ee intoosa badab ay Iska leeyihiin Muwaadiniinta Reer Somaliland, ee 4 Ten ilaa 50 Ten inta u Dhaxaysa Khusuusana Xamuulka ka Qaada Dekeddq Berbera oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews Soo gaadhsiiyay Cabashada Xoogan ee ay Wakhtigan ka Qabaan Lix Qoddob oo Dhabarka ka jabiyay Xuquuqdoodii iyo Shaqooyinkii Koobnaa ee ay Nafta ku Maaweelin Jireen, iyagoo Si xoog ah Carabka ugu adkeeyay Maamul Xumo ragaadisey, Cadaalad Darro iyo Qabyaalad Saamayn Ku Yeelatey in ay Kusoo gaadhaan 2019ka Hurumar la.aan iyo in aaney ka talaabsanin halkii ay kasoo bilaabeen 1991kii.


Mid kamid ah Gudi Madaxbanaan oo ay hadda Sameysteen Iskaashatooyinka Gaadiidka Xamuulka Somaliland Waxa uu Ku Saleeyay in ay Kusoo ururiyeen Toddoba Qoddob oo Saamayn ku yeeshay Geedisocodkoodii, Waxaanu u Dhigay Sidan.

"Marka Koowaad Waxaanu aad uga cabanaynaa-Guud ahaanba Maamulka Gaadiidku Leeyahey ka Dekededa Berbera Xamuulka ka Qaada  ee ka ugu yari yahey 4 Ten (Afar Tan)  50 ten(Konton Tan), yahey kan ugu Weyn  , qof qudha oo Aqoon lihi nama soo Marin lagasoo bilaabo1991kii ilaa Maanta oo ay Tahey 2019kii,  wax nagaga dhaca mooyee Wax noo kordhaana aanu jirin taas, oo ay Noo Dheer tahey Qabyaalad Baahsan oo Saamayn Tabban iyo Mid Togan nagu Yeelatey, oo ma ragaadisey.

Waxaana Noo dheer taas

2)-Dayac iyo Masuuliyad darro nagaga timid Xaga Dawlada Taas oo hadii ay nagu gabtey, in ay Mar kaliya ka hawlgasho Xilkii iyo Xuquuqdii Muwaadinimo ee ay nagu.laheyd hadey Tahey Dawlladaha Dariska iyo hadey tahey Gudaha Dalka labadaba, Habayaraatee marna may dhicin in ay hoos u eegto tacadiga ay nagi hayso iyo Dhibaatooyinka aanu kala kulano dalalka Dariska Jabuuti,Itoobiya iyo Soomaaliyaba.

3)- Dhinaca Itoobiya Majirto Wax kala Xadeyn ahi majiro, Waxaana Dawladnimo aanu dhadhamino, oo Muwaadinimayada ku Dareeno, Waxaa noogu Dambeysay Allaahu Yarxame Xiligii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Dawladiisii, Maamul ka Dambeeyay, oo aanu Somaliland ku Darreenaa Majiro.ilaa maanta  Dawlada Itoobiya Wey naqabsatey Hadey qaad Tahey hadey khudrad Tahey iyo hadey tahey badeecadihii aanu qaadi jirney oo dhan Gaadiid yar iyo mid Weynba Wey naga Qaadey Gaadiidka Adissababa looga soo jaro Juwanku, Siduu usoo Cararayo Dekkeda Berbera ayuu dabada ugalayaa, anaguna kama Talaabi karno Tog-Wajaale cid Wax Weydiin karta iyo Meel.lagu Joojin.karaana Majirto Gaadiidka Itoobiya.

4) iyadoo ay Taasi nagu dhacdey Waxa Dawlada nagaga yimid Culays labaad, Oo Gaadiidleydii aaney Awoodi kareyn Maadaama Kartoonkii aanu Qaadaynay Duruufo badani Saameeyeen iyadoo aaney Dumin Dawladii in Nalayidhi Dibaa loo Cashuurayaa Gaadiidkii oo Gaadiidkii yar iyo Weynba aanu Dib u Cashuuranay Maanta Djaqankaasina meel ay aduunyada ka dhacdey aaney jirin.

5)Qodobka Shanaad Wasaarada Gaadiidka ee hadda la Sameeyay  oo la Wareegtay Maamulkii Berbera ayaaney habayaraatee aaney meelna nagu tiirinin Waxa ay   U dhiibatey Xafiiskii Berbera Shakhsiyaad ay iyadu Dan gaar ah u igmatey haseyeeshee, aaney jirin Wax alaale iyo Wax Xal ah oo Gaadiidka iyo Xuquuqdooda Midna Wax u Qabanaya.

6) Qodobka lixaad Waa Shirkadan La Wareegtay Maamulka Dekedda Berbera, DPWorld oo Guud ahaanba ka Talaabsatey  Sharcigii u yaaley Gaadiidka Xamuulka ka Qaadayay Dekedda Berbera taas oo ay Suuqa kasoo kaxeysato Gaadiid Si Madaxbanaan kuwaas oo aaney Damaanad Qaadi karin Dhibaatooyinka ka yimaada, Sidoo kalena Meel ka dhac ku ah Xuquuqda Gaadiidka Rarka ku Sugayay Dekedda Lixda Bilood Shanta Bilood iyo Habeenada Badan, Mana jirto Cid arintaa Wax ka Qabanaysa oo Looga Dacwoodaa

Gabagabadiina Waxa ay Xuseen Gaadiid Dhibaatootin badani ku Qabsadey Dalka Soomaaliya kadib Markii ay Rar ka Qaadeen Dekedda Berbera Koontiinaro rar ah Kuwaas oo Ku Xidhnaa in ka Badan Sadex Bilood Meelo kala Duwan haseyeeshee, ay Aakhirkii ka Duudsidey Kirooyinkii ay Ku qaadeen Alaabta oo hadda ay ka.Maqan yihiin Badankooda Min 4500$ oo lacagta Dollarka ah Laakiin Dhibaatadii ku Dhacdey Xadhigii iyo Hadimadii gaadhey, ay kaga Xun tahey sida Wasaarada Arimaha Guduhu ugu badheedhay.

Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...