Shir U Dhaxeeya Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Ee Wada Shaqaynta La Leh Oo Muqdisho Ka Furmay

0
Tuesday October 01, 2019 - 19:10:21 in News by
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir U Dhaxeeya Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Ee Wada Shaqaynta La Leh Oo Muqdisho Ka Furmay

    Shir U Dhaxeeya Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Ee Wada Shaqaynta La Leh Oo Muqdisho Ka Furmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir U Dhaxeeya Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Ee Wada Shaqaynta La Leh Oo Muqdisho Ka Furmay

 


Muqdisho(HWN):-Magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu furay shir u dhaxeeya soomaaliya iyo dawladaha iyo hay’addaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leedahay.

Image may contain: 2 people


Rayal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furay shirkan oo ka bilaabmay xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ka qayb galeen wakiilada beesha caalamka, dalalka wada shaqaynta la leh dawlada soomaaliya.


Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay James Swan iyo wakiilka midawga Afrika Francisco Madiera ayaa ka mid ah masuuliyiinta miisaanka leh ee dawlada soomaaliya kala qayb galay shirkan.

Image may contain: 2 people
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 4 people

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.


Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay horumarada dowladda sameysay, isagoo ka warbixinaya labadii sano wixii dowladda u qabsoomay, waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana doorashada ay noqon doonto mid dadweyne.

Image may contain: 6 people, people sitting
Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 2 people

Kulankan ayaa heerkii la filayay aanan uga muuqan madasha, maadaama aysan shirka ka soo qeyb galin Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland.


Maalinta berri ah ayaa la filayaa in shirkan la soo gabagabeeyo iyadoo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed wada jir ah oo ay dhan yihiin dhamaanba dhinacyada ka qeybgalaya.

 

Loading...
Loading...