Aaden Daahir Saajin Walaal La Tebi Doono

0
Tuesday October 01, 2019 - 10:24:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aaden Daahir Saajin Walaal La Tebi Doono

    Aaden Daahir, wuxuu ku dhashay maagaalada Burco kuna barbaaray isla markaana waxbarashadiisii ku dhammastay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aaden Daahir, wuxuu ku dhashay maagaalada Burco kuna barbaaray isla markaana waxbarashadiisii ku dhammastay.

Aaden,  waxa uu ahaa addoon ka mid ah addoomada Illaahay ku abuurkay adduunkiisa. Waxa uu uu ahaa addoon cibaado badan oo had jeer u dedaala cibaadada. Dadka wuxu u sheegi jiray had iyo jeer wannaagga.Waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado, jaamacado  iyo hayaado badan, sida; shirkadda Telesom, ADO, Candelight, Negaad, EU, iyo meelo kale oo badan. 10kii sanee ugu danbaysay waxa uu Aaden ka shaqaynayey Jaamacadda Hargeysa. Waxa intaas u dheeraa isagoo furay goob lagu barto oo ardayda lagu tabobbaroITda (Information Technology) Aaden waxanu ka wada shaqayn jirnay Haayadda ADO( Agriculture Development Organization) muddo toddobo sano ah. Dhammaan shaqaallaha waxa uu ula dhaqmi jiray si isku mid ah. Midna ma fogayn jirin midna ma dhawaysan jirin, isku si’ ayuu ula dhaqmi jiray dhammaantood. Wuxuu nala wadaagi jiray Aaden khayrka inbadan.



Bishan sagaalad horraanteedii ayuu Aaden xannuusaday waxana la dhigay si loo daaweeyo dhakhtarka Haldoor. Mar aan ku bookhdayisla dhakhtarkaas, waxan markhaati ka ahaa isagoo ku jira koomo, meel uu joogana ogayn ayuu  xaaskiisa ku lahaa " Salaaddii ma la tukaday, waysada ii diyaari.” Subxaanallah, waa hadal igu reebay xasuus dheer. Waxay u tahay summad, muujinaysa khaatumo wanaagsan. Waxay muujinaysaa dedaalka uu u dedaali jiray salaadda.Cidna adduunka ma ku waarayso, cidkastaana way dhadhaminaysaa geerida siduu Illahay Quraankiisa inoogu sheegay. Aaden waxa uu hoygiisii dhabta ahaa u hoyday23/9/2019.


Aaden waxa uu ifka kaga tegay 12 carruura iyo hal xaas. Waxan Illaahay u waydiinayaa dhammaantood mustaqbal ifaya.  Illaahay waxan uga baryayaa inuu Aaden  ugu deeqo  Jannatul Fardowsa kana warraabiyo.


Waxa dhab ah in aynu dhammaanteen ku nahay Adduunyada marti, geerida Aaden iyo inta kale ee inaga dhimataa waxay ina tusaysaa in aynaan isku illaawin adduunyada. Waxay inoo sheegaysaa in aynu u dedaalno aakhiro oo aynu fadhiga ka kacno, cibaadaddeena badino  oo aynu wanaajinno, Allena waydiisanno in uu inala garab galo, waalidkeen in aynu markasta u samo falno hadday noolyihiin iyo haddii aanay noolaynba.Dadka in aynu ula dhaqanno sida aynu jecelnahay in la inoola dhaqmo isla markaana wanaajinno intaynu jecelnahay in aynu wanaajinno.


Ugu danbayn waxan ka tacsiyadaynayaa dhammaan reer Saajin meel kasta oo ay joogaan, asxaab, ehel, shaqaalle iyo intii magaciisa iyo muuqiisa taqaanay. Alle godka ha u nuuro oo ha u naxariisto, innagana ha inooga daba  naxariisto.Amiin

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...