Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Fariin U Diray Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir

0
Monday September 30, 2019 - 21:56:25 in News by
  • Visits: 2271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Fariin U Diray Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Fariin U Diray Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Fariin U Diray Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir


Hargeysa(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudaneXasan Cali Khayreoo Muqdisho uga qayb galay munaasabad madaxda qaranka looga mahad celiyay xulashadooda duqa cusub ee Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay garab istaagaan guddoomiyaha gobalka Banaadir, si uu uga shaqeeyo horumarinta caasimadda dalka.




Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in taageerada iyo la shaqeynta bulshada ee guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ay ka qayb qaadaneyso sugidda amniga iyo horumarinta gobalka Banaadir oo ah astaanta qaranimada iyo xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) loogu aaminay hoggaaminta bulshada caasimadda, si dowladnimadu u xoogeysato, uuna isugu keeno dadka, xaquuqdoodana u ilaaliyo.






Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in madaxda qaranku ay guddoomiyaha ku garab istaageyso gudashada mas’uuliyadda culus ee ka saaran horumarinta caasimadda dalka oo ay ku noolyihiin malaayiin Soomaaliyeed oo dhaqan u leh isku heynta bulshada iyo ilaalinta qarannimada.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...