Safarada Madaxweynaha somaliland Ku Tago Wadanka Jabuuti Oo La Dhaliilay Iyo Fariin Loo Diray Madaxweyne Geelle

0
Monday September 30, 2019 - 20:37:52 in News by
  • Visits: 5016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarada Madaxweynaha somaliland Ku Tago Wadanka Jabuuti Oo La Dhaliilay Iyo Fariin Loo Diray Madaxweyne Geelle

    Safarada Madaxweynaha somaliland Ku Tago Wadanka Jabuuti Oo La Dhaliilay Iyo Fariin Loo Diray Madaxweyne Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarada Madaxweynaha somaliland Ku Tago Wadanka Jabuuti Oo La Dhaliilay Iyo Fariin Loo Diray Madaxweyne Geelle


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay safarada uu madaxweynaha somaliland ku tago wadanka Jabuuti.



Gudoomiye Faysal ayaa sheegay inaanay jabuuti martigelin Karin wada hadal dambe oo dhexmara somaliland iyo soomaaliya isaga oo sheegay in madaxweyne Geelle aanu daacad ka ahayn arimaha somaliland.

Image result for muuse biixi iyo ismaaciil cumar geelle

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo fariin u diraya madaxweynaha Jabuuti ayaa waxa uu yidhi "Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu sheegayaa adiga iyo wadamada kalaba shir ku qabsan mayno waxaanan kuu qaabnaa inaanad arintayada daacad ka ahayn, Muqdisho ayuu ku xidhan yahay oo somaliland ma ogola sidaas awgeedna gurigaaga ku qabsan mayno, intaas ayey Hargeysi kuu jirtaa ee maxaad u iman wayday, waanu kaa xishoonaynaa laakiin adigu naga xishoon maysid, haddii aad naga xishoon waydana wax kalana ku yeeli mayno oo gacal ayaad noo tahee shir noo qaban maysid waxbana Muuse haw yeedhin xaaraan ayey naga tahay inaad gurigaaga noogu qabato shir.”


Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Heshiis aanu soo samaynay ayaa meesha lagu saxeexay laakiin Ismaaciil Cumar Geelle 28-kaas sanadoodba wuu naga soo horjeeday dadkiisuna waxay ku dhintaan Baladweyn, anaguna waxaanu leenahay waar waad na ogtahee adiguba waad iska diiday soomaali ee anaga maxaad noogu qasbaysaa, hadii uu soomaali ka shaqaynayo isagu haku darsado.”


Sidoo kale waxa uu dhaliilay safarada uu madaxweynaha somaliland ku tago wadanka Jabuuti waxaanu yidhi "Haduu Muuse tagayo waa calool jilayca xun ee aynu ku abuuranahay , shisheeyahana waynu u nugul nahay, Ismaaciil waa cadawgeena inuu xamar inagu dhisana wuu doonayaa oo ciidamo ayuu u sameeyaa, ninka ciidamo u samaynaya Xamarna sidee ayaan ugu tagi karaa, runtaanu kuu sheegaynaa oo waanu kaa xishoonaya balse waad naga xishoon waydee waanu iska kaa celinaynaa, intaas oo xog ah ayaan hayaa oo ah dambi uu ka galay somaliland oo aan intaas ka xishoonaynay laakiin hadii uu intaas oo dhaafay oo uu yidhaa shir ayaan idiin qabanaynaa oo Farmaajo ayaan idiin keenayaa waxaan leeyahay orod Farmaajo u tag anagu Farmaajo iyo qayrkii lama fadhiisano, dhexdhexaadina nooma samayn kartid.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo la hadlay hctv.


Loading...
Loading...