Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

0
Monday September 30, 2019 - 19:33:29 in News by
  • Visits: 3768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

    Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymo culus dusha u saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Image result for farmaajo iyo ismaaciil cumar geelle iyo faysal cali waraabe


Gudoomiye Faysal ayaa si adag uga horyimid kulankii uu Farmaajo la qaatay kornayl Tuke oo lagu helay dambiyo xasuuq oo uu ka gaystay somaliland, waxaanu meesha ka saaray in mar kale wada hadalka somaliland iyo soomaaliya lagu qabto wadanka Jabuuti isla markaana uu dhexdhexaadiyo madaxweyne Geelle.


Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya kulankii Farmaajo iyo Tuke ayaa waxa uu yidhi "Waxan uu hada sameeyey isaga oo markii hore-na xoogiisa saaray inuu somaliland ku curyaamiyo awood aanu lahayn maantana uu ninkii dadka nolosha ku gubay ee Tuke, waxa weeyaan Tuke nolosha ayuu dadka ku gubay sawiradiisiina waa la hayaa oo maxkamad ayaa ku xukuntay, talaabadana waxay ina tusaysaa laba arimood oo uu ku dheel dheelayo midi waa somaliland oo uu ku dheel dheelayo oo uu leeyahay ma jiraan wax aad tihiin anaga oo ah dadkii xasuuqa lagu sameeyey, waxa kale oo uu ku dheel dheelayaa ragii isaga oo 21 maalmood joogay doortay ee yidhi madaxweyne noqo ee uu shalayna u diidayey inay Kismaayo tagaan, horta dadka maanta la arkay waa labadaas qolo, dadkii xasuuqa gaystay ee gaalku salaami waayey ee Moorgan intuu yimaado Garoowe uu madaxda isla soo sawiro talaabadan farmaao waa taas oo kale, waanigii hore u sheegay ee yidhi naftii Maxamed Siyaad Bare ayaa gashay waxa uu leeyahay waan soo noqonayaa waanan idin garaacayaa.”


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in somaliland aanay wada hadal la galayn soomaaliya inta hogaan miyir qaba laga soo dooranayo waxaanu yidhi "Ninka la arkay markii uu ka daalay inuu beesha caalamka wax inagu yeelo si uu dhiiga inoogu kiciyo waxa uu isla soo sawiray ragii dadkeena gubay ee ceelasha ku guray ayaa hadana waxa uu maalin kasta la soo hadlayaa madaxweynaha Jabuuti Geelle oo uu leeyahay anaga iyo somaliland aanu wada hadalno, waxaanan u sheegayaa oo siyaasada xisbiga Ucid tahay iyo bulshada somalilandba la fadhiisan mayno isaga iyo qayrkiiba, wada hadalada somaliland iyo soomaaliyana marka ay yimaadaan dad miyir qaba oo la soo doortay oo garanaya wacyiga maanta taagan oo aan ku jirin aarsi iyo qabyaalad cursuriyad ah ayaanu la fadhiisan doonaa beesha caalamka horteeda.”


Dhinaca kale gudoomiye Faysal ayaa tilmaamay in madaxweynaha jabuuti aanu marti gelin Karin wada hadal dhexmara somaliland iyo soomaaliya waxaanu yidhi "Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu sheegayaa adiga iyo wadamada kalaba shir ku qabsan mayno waxaanan kuu qaabnaa inaanad arintayada daacad ka ahayn, Muqdisho ayuu ku xidhan yahay oo somaliland ma ogola sidaas awgeedna gurigaaga ku qabsan mayno, intaas ayey Hargeysi kuu jirtaa ee maxaad u iman wayday, waanu kaa xishoonaynaa laakiin adigu naga xishoon maysid, haddii aad naga xishoon waydana wax kalana ku yeeli mayno oo gacal ayaad noo tahee shir noo qaban maysid waxbana Muuse haw yeedhin xaaraan ayey naga tahay inaad gurigaaga noogu qabato shir.”


Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Heshiis aanu soo samaynay ayaa meesha lagu saxeexay laakiin Ismaaciil Cumar Geelle 28-kaas sanadoodba wuu naga soo horjeeday dadkiisuna waxay ku dhintaan Baladweyn, anaguna waxaanu leenahay waar waad na ogtahee adiguba waad iska diiday soomaali ee anaga maxaad noogu qasbaysaa, hadii uu soomaali ka shaqaynayo isagu haku darsado.”


Sidoo kale waxa uu dhaliilay safarada uu madaxweynaha somaliland ku tago wadanka Jabuuti waxaanu yidhi "Haduu Muuse tagayo waa calool jilayca xun ee aynu ku abuuranahay , shisheeyahana waynu u nugul nahay, Ismaaciil waa cadawgeena inuu xamar inagu dhisana wuu doonayaa oo ciidamo ayuu u sameeyaa, ninka ciidamo u samaynaya Xamarna sidee ayaan ugu tagi karaa, runtaanu kuu sheegaynaa oo waanu kaa xishoonaya balse waad naga xishoon waydee waanu iska kaa celinaynaa, intaas oo xog ah ayaan hayaa oo ah dambi uu ka galay somaliland oo aan intaas ka xishoonaynay laakiin hadii uu intaas oo dhaafay oo uu yidhaa shir ayaan idiin qabanaynaa oo Farmaajo ayaan idiin keenayaa waxaan leeyahay orod Farmaajo u tag anagu Farmaajo iyo qayrkii lama fadhiisano, dhexdhexaadina nooma samayn kartid.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo la hadlay hctv.


Loading...
Loading...