Ganacsato Ka Socotay Somaliland Oo Ka Dareeray Shir Ay Turkiga Ka Qayb Galeen Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Shaaciyeen.
Hargeysa(HWN):-Ganacsato ka socotay somaliland ayaa ka dareeray shir ay kaga qayb gali lahaayeen magaalada Ankara ee wadanka Turkiga.
Gudoomiyaha Rugta ganacsiga somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin oo hogaaminayey ganacsatada somaliland ee tagtay wadanka Turkiga ayaa sheegay inaanay ka qayb galin shirkii ay u tageen wadankaasi, waxaanu cadeeyey sababaha ku kalifay go’aankan ay qaateen.

Gudoomiye Jamaal Caydiid oo ka hadlaya casuumadii ay ku tageen shirkaasi ee la soo gaadhsiiyey iyo waxyaabihii ku xusnaa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Casuumad ayaanu ka helnay hay’ado dagan wadanka Turkiga oo qaarkood dalkan laga leeyahay qaarkood soomaalid iyo Turki wada leeyihiin, casuumadaasna waxa ku saxeexnaa ilaa todoba hay’adood oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn dalka Turkiga kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga iyo maayarka magaalada Ankara , markii aanu casuumada helnay waxaanu martiqaadkii u geynay qunsulka Turkiga ee degan somaliland kaas oo aad ugu farxay inaanu hawlahaas qabano, waxaana martiqaadka ku qornaa in 43 dal oo Afrikaan ahi ay shirka iskugu imanayaan.”
Gudoomiye Jamaal Caydiid ayaa sheegay in markii ay gaadheen wadanka Turkiga ay la kulmeen isbadal ku yimid ujeedadii shirka waxaanu yidhi "Markii aanu nimid Turkiga waxaanu aragnay shirkii oo waji kale yeeshay kaas oo aanu ugu nimid madax soomaaliyeed, wasiirana way joogeen, markii horena waxa uu balankayagu ahaa inaanu shirkaasi ahayn mid siyaasi, hadii uu shir siyaasiya yahayna anaguna siyaasada cid ayaanu u leenahay oo dawlad ayaa noo qaabilsan, wasiirka ganacsigana waan ka wada tashanay waanu nagu soo bogaadiyey oo na soo anbabixiyey, hadii ay wasiiro iyo madaxweyneyaal imanayaan anaguna kuwayagii ayaanu wargelin lahayn oo nagala soo qayb gali lahaa laakiin markii aanu aragnay in shirku ka badalmay shirkii ganacsiga ahaa ee uu mid siyaasadeed yeeshay ganacsatadana aanu ka waynay culayskii aanu filaynay, dawladihii kale ee afrikaanka ahaana meesha ka waynay .”
Gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Anaga oo wada tashi badan ka yeelanay waxaanu go’aansanay hadii aanu nahay ganacsatadii somaliland in shirkaasi noqday mid aan ku wajahnayn meeqaamkayagii midkii dalkayaga oo aan,shirkaasina waxa uu noqday mid aan lahayn wajigii aanu ku soconay, siyaasad ayaanu isku badalay waxaanan go’aansanay inaanu shirkaas dibada ka joogno oo aanaan ka qayb galin, waxaanan umada somaliland u cadaynaynaa in shirkaas aanu dibada ka nahay kana mid ahayn, dantii ganacsi ee aanu u soconayna aanay meesha ku jirin, ceeb la,aana aanu dibada kaga joogno.”


0 





