Siyaasiyiintii gobonimo doonka Jabuuti waxay ka midaysnaayeen inay dal gooniya noqdaan..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

0
Sunday September 29, 2019 - 18:08:16 in Articles by
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiintii gobonimo doonka Jabuuti waxay ka midaysnaayeen inay dal gooniya noqdaan..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

    Siyaasiyiintii gobonimo doonka Jabuuti waxay ka midaysnaayeen inay dal gooniya noqdaan..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiintii gobonimo doonka Jabuuti waxay ka midaysnaayeen inay dal gooniya noqdaan..W/Q Barkhadladiif M. Cumar



Wakhtigii ay reer Jabuuti u dagaalamayeen xornimo doonka oo ay doonayeen inay iska kiciyaan gumaystihii Faransiiska, waxa jiray saddex koox oo midna mid kale col la ahaa mid waliba danihiisa gaar ah watay, isla markaana mid waliba doonayey inuu Jabuuti hogaamiyo.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor


Saddexda kooxood midna Xaruntiisu Soomaaliya ayuu ahaa, mid Faransiiska iyo mid kale oo Garmalka joogay marna Soomaaliya ayuu iman jirey.


Dawladdii Soomaaliya waxay taageeri jirtay kii saldhigiisu ahaa Soomaaliya, waxaanay doonayeen inuu kaasi madaxweyne ka noqdo Jabuuti si uu hadhow ugu soo biiro Soomaaliya.


Siyaad Bare ayaa siyaasiyiin reer waqooyi ah oo uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo oo wakhtigaasi ahaa wasiir u direy saddexda kooxood si loo mideeyo oo hal koox u wada noqdaan si heeryada mar iskaga wada tuuraan oo ay ula midoobaan Soomaaliya.


Weftigii Soomaaliya ka socday waxay la kulmeen saddexda siyaasi ee kala hogaaminayey, waxay ogaadeen in sadexduba ka midaysan yihiin in Jabuuti madax banaanato oo aan lagu soo darin Soomaaliya.


Wasiiradii loo direy saddexdan kooxood ayaa Siyaad Bare xaqiiqda u sheegay, waxaanay yidhaahdeen " saddexdii kooxoodba waanu la kulanay, saddexduba waxay ka midaysan yihiin in Jabuuti gaar ahaato oo madax banaanato, xiita kuwo aynu taageernaa sidaas ayey qabaan”.
Siyaad Barre warkaasi uma cuntamin, sidaas darteed waxba kama soo qaadin, markii dambe waxa xoriyadii Jabuuti loo dhiibay kooxdii uu Faransiisku watay si ay si dad-badan usii maamulaan,isla markaana dhibaatadii uu shacabka u gaystay loola xisaabtamin Faransiiska.


Madaxweynihi u horeeyey wuxuu noqday Xasan Guuleed Abti Doon, waxaana laga soo xigtay isago leh " Jabuuti dhibaato badan ayey ku mutaystay inay heeryada gumaystaha iska rido, hilibka dadkayaga Eyda loo daadin jirey mararka qaarkood biraha la sudhi jirey, si bani’aadanimada ka baxsan ayaa loola dhaqmi jirey dadkii gumaysdiidka ahaa, dad dhibaatada usoo maray si fudud dalkooda iskama lumin karaan, haseyeeshee reer Waqooyi dhibaato badan uma soo marin waayo haday usoo mareen sidaas fudud kuma wareejiyeen callankoodda”


Doodaasi ayuu qabay madaxweyne Abti Doon, dhinac markaad ka eegto Ingiriisku dhibaato badan kuma samayn Soomaalida Waqooyi, inta badana waxaad dhibaato badan ka soo marta wuu kugu adkaanaysa inaad si fudud usii dayso.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...