Qaabkee Ayey Maxkamadu Racfaanku U Ayiday Xukunkii Ku Dhacay Weriye Coldoon?

0
Sunday September 29, 2019 - 17:57:31 in News by
  • Visits: 2636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkee Ayey Maxkamadu Racfaanku U Ayiday Xukunkii Ku Dhacay Weriye Coldoon?

    Qaabkee Ayey Maxkamadu Racfaanku U Ayiday Xukunkii Ku Dhacay Weriye Coldoon?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkee Ayey Maxkamadu Racfaanku U Ayiday Xukunkii Ku Dhacay Weriye Coldoon?


Hargeysa(HWN):-Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa ayaa maanta ayiday xukunkii hore ee lagu riday wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ahaa saddex sanno iyo lix bilood oo xabsi ah.

Image result for weriye Coldoon


 

 
Sida uu warbaabinta uga waramay wariye Cabdiqani Dawlad ayaa sheegay in aan la wargalin qareenkiisii,isla markaana iyadoo cidna ogayn inta jeelka laga soo qaaday maxkamaduna xukunkii hore uun ku riday.

 

"Maxkamadu may wargelinin qareenkiisii Garyaqaan Jamaal Huseen Mandeela kaas oo ahaa qareenkiisa qudha kadib markii qareen Mubaarik Cabdi joojiyay shaqadii qareenimo ee uu Somaliland ka hayay isaga oo ku sababeeyay in Somaliland aan sharciga laga ixtiraamin. labadii qareen ee Solja ay uqabatay Coldoon qareen Maxamed Abokor iyo Qareen Maxamuud Cabdiraxmaan ayaan iyaguna dacwada racfaanka kaba soo muuqan mudadii lagu gudo jiray.”ayuu yidhi wariye Dawlad oo ka hadlayey siday u dhacday dacwaddii saaka ee xukunka maxkamada racfaanku u cuskatay Coldoon.


"Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka aamin baxay nidaamka garsoorka iyo cadaalada Somaliland ayaan wax ambiila u qaadanaynin maxkamada sare.”ayuu raaciyey hadalkiisa.


Waa maxkamadii labaad ee wariye Coldoon ku xukunta saddex sanno iyo lix bilood oo xadhig, ah, inkastoo racfaan kale u hadhsan yahay, haseyeeshee sida wararku sheegayaan waxa uu iska daayey inuu ambiil kale qaato oo uu u gudbo maxkamadda Sare.


Wariye Coldoon ayaa lagu haystaa inuu wax ka sheegay madaxweynaha Somaliland iyo inuu warar aan jirin ka faafiyey dugsiga Abaarso oo dad Ajanabi ah leeyihiin.


Loading...
Loading...