"Madaxweynuhu Beertii Cismaan Dacas Ayuu Isku Soo Sawiray Laakiin Waxay Ahayd....." Xil Nacnac

0
Sunday September 29, 2019 - 17:43:37 in News by
  • Visits: 4772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynuhu Beertii Cismaan Dacas Ayuu Isku Soo Sawiray Laakiin Waxay Ahayd....." Xil Nacnac

    "Madaxweynuhu Beertii Cismaan Dacas Ayuu Isku Soo Sawiray Laakiin Waxay Ahayd....." Xil Nacnac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu Beertii Cismaan Dacas Ayuu Isku Soo Sawiray Laakiin Waxay Ahayd....." Xil Nacnac

 

 


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani uga socda magaalada Burco.

Image result for xildhibaan nacnac


Xildhibaan Nacnac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay maqnaanshiyaha Cabdiqaadir Jirde ee shirka Waddani iyo aragtida uu ka qabo muuqaal uu madaxweynaha somaliland iskaga soo duubay beer uu ku leeyahay duleedka magaalada Hargeysa.


Xildhhibaan Nannac oo ugu horayn ka hadlaya shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani iyo saamaynta uu ku yeeshay maqnaanshiyaha Cabdiqaadir Jirde ayaa waxa uu yidhi "Waan raacsanahay waanan ayidsanahay wixii ka soo baxa, cabdiqaadir jirde-na yurub ayuu ku maqan yahay oo ninkii maqani xujadii la maqan waana kii soo hadlay, shirkana waxa ka soo baxaya taageerada xisbiga iyo sidii wax loo qaban lahaa waanan raacsanahay, xisbiga Waddanina waanu nahay oo waanu ku abtirsanaa waana laftayada oo waa ciriqayaga waxaanan leenahay jiroo joog.”


Xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Kulmiye waadigaa arkaya, waataas la arkayo madaxweynaha oo inta uu beertii Cismaan Dacas isku soo sawiro leh kaligay ayaan lugaynayaa, muxuu u tagi waayey Ceel Afweyn oo iskugu soo sawiri waayey dadka isku madhay ee somaliland leedahay kala jooga.”


Loading...
Loading...