Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Si Dadban U Falanqeeyey Siyaasadaha Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland Isku Wajahaan.

0
Sunday September 29, 2019 - 16:36:53 in News by
  • Visits: 4061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Si Dadban U Falanqeeyey Siyaasadaha Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland Isku Wajahaan.

    Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Si Dadban U Falanqeeyey Siyaasadaha Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland Isku Wajahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Si Dadban U Falanqeeyey Siyaasadaha Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland Isku Wajahaan.


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ka hadlay doorka ay kala leeyihiin xisbiyada mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ah, marka la eego dunida ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiga ah.

Image result for xildhibaan Mustafe Qodax


Xildhibaan Qodax oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda somaliland ee xilalka ka haya soomaaliya ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu si dadban ugaga hadlayaa dhawaaqyada hadyo jeer dhexmara xisbiyada muxaafidka iyo mucaaridka ee somaliland.


Xildhibaan Qodax ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-

Dunida aynu ku noolahay, dalalka ku dhaqma nidaamka xisbiyada badan, waxa taliye oo hogaaminta dalka iska leh hadba xisbigii ku guulaysta kaligii.


Majirto meel uga bannaan xisbi mucaarid ah hogaaminta iyo fulinta hawlaha xukuumada, waxase uu xaq u leeyahay inuu tooshka ku iftiimiyo dhaliilaha xisbul xaakim isagoo ka faa,iidaysanaya god daloolooyinka iyo ilduufka maamul ee ku dhaca xisbiga talada haya, xisaabinaya ballan qaadyadii xiligii ololaha bal in sidoodii uu uga soo baxay. Tani waxay uga dhigan tahay xisbi mucaaradka inuu dagaal ugu jiro sidii doorashada danbe uu ugu guulaysan lahaa hogaaminta dalka, hagaag.


Meelaha uu xisbi mucaarad dagaal kaga furo xukuumada ama xisbiga talada haya waxa kamid ah, golayaasha baarlamaanka waa hadduu aqlabuyad ku haysto, waxa u banaan inuu is hortaago dhamaan isbedelada xisbul xaakimku ku samaynayo shuruucda dalka, isagoo fulinaya ballan qaadyadii xiligii ololaha oo laga yabaabo inuu codad ku helay inuu isbedel ku sameeyo arimo siyaasadeed, dhaqaale, bulsheed IWM, kuwaasoo dad taageerayaal ahi danaynayaan taas oo hadduu gaadho u ah guul siyaasadeed oo uu mar labaad ku hanan karo hogaaminta dalka.


Inuu xisbi mucaarad ahi ku doodo waa nala dhageysan waayay waxay ka dhigan tahay inaanu fahansanayn wixii lagu tartamay iyo wixii lakala helay, maxaa laga tartamayaa haddii xisbiga guul darraystaa maamulka wax ku yeelanayo! Marka dhinac layska dhigo qabyaalada ina indho tirtay, xataa xaq uma laha xisbi mucaarad inuu ka hadlo saami qaybsiga xukuumada uu soo dhisay xisbiga guulaystay, waxa u bannaan xisbiga talada ku guulaystay inuu dhammaan wasiirada xukuumadiisa ka dhigo xisbigiisa haduu doono reer gaar ah haw badnaadeene.


Waxa cidkasta oo fahansan nidaamka xisbiyada badan ay ka yaabaysaa xisbi laga guulaystay oo ku cabanaya waa nala dhagaysan waayay.


Xisbiga mucaaradka ahi uma baahna inay xukuumada dhagaysto ee waxa uu u baahan tahay inuu ceebaheede bannaanka soo dhigo lana yimaado barnaamij hufan oo ku salaysan baahiyaha aasaasiga ah ee uu u arko inuu ka gaabiyey inuu wax ka qabto hogaanka dalku, isagoo soo bandhigaya xaalad kasta oo uu ku fashilmay xisbiga guulaystay islanrkaana la imanaya qorshaha isaga uga yaala ee uu ku bedelayo arintaas.


Allow alle


Loading...
Loading...