Muxuu Saamayn Yeelan Karaa Weftiga Eritrea Ee Somaliland Yimid?

0
Tuesday March 19, 2019 - 14:23:10 in News by
  • Visits: 3028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Saamayn Yeelan Karaa Weftiga Eritrea Ee Somaliland Yimid?

    Muxuu Daaran Yahay Safarka Weftiga Eritrea Ku Yimaadeen Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daaran Yahay Safarka Weftiga Eritrea Ku Yimaadeen Somaliland?

Hargeysa(HWN):-Wefti sare oo ka socda wadanka Eritrea ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.


Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Eritrea Cismaan Saalax ayaa wakhtiga ay ku soo beegeen socdaalkoodu waxa uu u muuqdaa mid xasaasi ah oo laga dareemi karo xulafaysiga siyaasadeed ee ka socda wadamada Geeska Afrika.




Dawlada Eritrea oo ay wali is hayaan wadanka ay xuduuda dhulka ku muransan yihiin ee Djibouti ayaa socdaalka ay weftigoodu ku yimaadeen somaliland waxa dadka siyaasada falanqeeyaa ku tilmaameen mid jawaab u ah safarka uu madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ku tagay magaalada Muqdisho ee wadanka Soomaaliya.


Talaabada ay qaaday dawlada Eritrea ayaa ah mid ku soo beegmaysa iyada oo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee dhinaca iskaashiga ee ka socda wadamada Geeska Afrika ay maalinba waji cusub yeelanayaan isla markaana wadamadu dedaal ugu jiraan sidii ay danahooda uga gaadhi lahaayeen xidhiidhada ay samaynayaan, waxaanay dawlada Eritrea u muuqataa mid dhigeeda Djibouti tusaysa inay raali ka tahay iskaashiga dhexmara dawlada somaliland taas oo ay kaga maarmi karto haddii ay soomaaliya u janjeedhsato dhinaca dalka Djibouti oo ay is hayaan.


Wakhtiga ay dawlada Eritrea ku soo beegtay weftiga ay u soo dirtay somaliland ayaa sidoo kale laga dareemi karaa inay jawaab dedban siinayaan madaxweynaha Djibouti oo socdaal ku joogay magaalada Muqdisho ee soomaaliya, kaas oo ay masuuliyiinta wadankaasi iska soo dhawaysteen wadamada kale ee Geeska Afrika.


Wasiirka arimaha dibada ee Eritrea Cismaan Saalax oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan uu la qaatay madaxweynaha somaliland waxa uu si waadix ah u sheegay in madaxweynahoodu soo diray isla markaana ujeedada tahay mid ay doonayaan inay ku ogaadaan xaaladaha dhaqaalaha, siyaasada iyo arimaha bulshada ee somaliland kuwaas oo uu uga waramay madaxweyne Muuse Biixi.


Wasiirka arimaha dibada Eritrea ayaa somaliland ku tilmaamay dal muhiim ah oo geeska Afrika ku yaala isaga oo tilmaamay ahmiyada ay dalkiisa u leedahay inay xidhiidh la samaystaan.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa looga baahan yahay inay fursadan uga faa,iidayso dalka isla markaana aanay wakhti dambe ku sii lumin wadanka Djibouti oo lagu tilmaamo inuu safka hore kaga jiro wadamada geeska Afrika ee ka soo horjeeda qadiyada somaliland.


Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo falanqeeya siyaasada geeska Afrika ayaa xidhiidh ka dhaxaysiiyey safarka weftiga Ereteriya iyo socdaalka madaxweynaha Jabuuti maalmahan ku joogay Muqdisho isaga oo tilmaamay in la tuhmi karo maaddaama wali khilaafka Ereteriya iyo Jabuuti taaggan yahay.


Waxa uu sheegay in safarka madaxweynaha Jabuuti u muuqdo mid uu madaxweyne Farmaajo kaga reebayo hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya sidaas awgeedna ay arrimahani xidhiidh yeelan karaan "Madaxweyne Farmaajo heshiis buu la galay saddex geesoodka Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. 


Heshiiskaasi muu shaqayn, Marka Ismaaciil Cumar Geelle(Madaxweynaha Jabuuti) wuxuu xoogga saaray baryahan dambe in uu Farmaajo ka soo reebo Isbahaysiga, Imaatinka weftiga Ereteriyana waxay jawaab u noqon karta safarka Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami oo u waramay wargeyska Waaberi.


Eritrea oo laga qaaday cunaqabataynihii saarnaa ka dib heshiiskii ay la gaadhay wadanka ay ka go’een ee Itoobiya ayaa haatan dedaal galinaysa inay hesho wadamo ay istaageeraan oo ku yaala geeska Afrika, waxaanay wakhtigan is tustay in somaliland ay tahay dal muhiim u ah mandaqada isla markaana ay haboon tahay inay la samaysato xidhiidh dublamaasiyadeed.




Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]
Loading...
Loading...