Dab Burburiyay Qaybo Ka Mid Ah Bacadlaha Magaalada Lughaya.

0
Sunday September 29, 2019 - 08:58:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Burburiyay Qaybo Ka Mid Ah Bacadlaha Magaalada Lughaya.

    Waxa maanta gubtay bacadlahii magaalada Lughaya, waxana dabkan uu gaystay khasaare maaliyadeed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta gubtay bacadlahii magaalada Lughaya, waxana dabkan uu gaystay khasaare maaliyadeed, sida ay dad goobjoogaaal ah u xaqiijiyeen shabakada

 

"Dabku abaaro duhurnimadii ayuu qabsaday qaybo ka mid ah bacadlaha Lughaya, waxa la arkay iyada oo ay qiiqayaan ololkuna is qabsaday, waxa gubtayna waa laba bacadle iyo tukaan isku dhajisnaa oo jiingado ka samaysnaa” ayuu yidhi Caaqil Afqaloocshe oo goobjoog u ahaa dabkaas

 

Dadka degaanka oo isticmaalaya biyo iyo caro ayaa daminta dabkaas si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay, waxana Maayarka Degmada Lughaya oo shabakada uga faaloonaya qasaaraha ka dhashay dabkan uu yidhi

 

"Boqolkiiba boqol qasaare ah ayaa soo gaadhay bacad layaasha gubtay, ma jirin wax laga badbaadiyay, wax aan badnay ayaa laga gaadhay tukaanka oo dhinac ku yaalay, waxa arinta sii xumeeyayna waa dabaysha xagaaga ee dabka sii hurinaysay iyo dabdamis la’aan degmada haysata”

 

Maayarka ayaa ku gaabsaday in baadhistu socoto, mar wax laga waysiiyay waxa sababay dabkan, waxana uu dadka degaanka uga digay qatarta dabka waqtigan ay dabaylaha xagaagu dhacayaan.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Xaamud Agoon, Caaqil Afqaloocshe iyo Nuux Cabaade oo goob jog u ahaa dabkan damintiisa ayaa ugu baaqay xukuumada iyo dadka qurbojooga ah ee ka soo jeeda degaanka Lughaya inay ka soo qayb qaataan sidii loo caawin lahaa dadka ay masiibadan dabku ku habsatay


Loading...
Loading...