Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Maqan Shirweynaha 2aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Iyo Dareenada Taagan
Hargeysa(HWN):-Shirweynihii 2aad ee golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shirweynahan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo arimo muhiim ah oo xisbiga horyaala.
Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka mid ah xubno haldoor ah oo ka maqan shirweynaha 2aad ee golaha dhexe ee xisbigaasi iyada oo aan ilaa hada la shaacin sababaha uu uga maqan yahay.
Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo haaatan ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa ka baaqday ka soo qaybgalka shirka 2aad ee golaha dhexe ee xisbigaasi,taas oo meesha ka saaraysa in shirka golaha dhexe loogu caleemo saaro gudoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga.
Maqnaanshiyaha xil Cabdiqaadir Jirde ee shirka golaha dhexe ee Waddani ayaa laga daaha ka rogaya in gudoomiye Ciro aanu diyaar u ahayn inuu ku wareejiyo hogaaminta xisbiga, taas oo su,aal galinaysa fulinta heshiiskii ay hore u wada gaadheen.


0 





