Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Dhisme Cusub Oo Loo Yagleeyey Safaarada Soomaaliya Ee Washington

0
Saturday September 28, 2019 - 16:48:52 in News by
  • Visits: 2077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Dhisme Cusub Oo Loo Yagleeyey Safaarada Soomaaliya Ee Washington

    Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Dhisme Cusub Oo Loo Yagleeyey Safaarada Soomaaliya Ee Washington

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Dhisme Cusub Oo Loo Yagleeyey Safaarada Soomaaliya Ee Washington


Washington(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Image may contain: 4 people, outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing
Image may contain: 5 people

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Image may contain: 11 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, sitting, suit and eyeglasses

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...