Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Cadaadis Lagu Saarayo In Uu Soo Bandhigo Sirta Trump

0
Saturday September 28, 2019 - 15:19:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Cadaadis Lagu Saarayo In Uu Soo Bandhigo Sirta Trump

    Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa amar ku siiyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa amar ku siiyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo in uu soo gudbiyo qoraallo la xiriira heshiisyo uu madaxweyne Trump la galay xukuumadda Ukraine.


Warqad ay qoreen saddexda qof ee madaxda u ah guddiyada Aqalka Hoose ayaa Mr Pompeo amar ku siiyey in uu dukumentiyadaas ku soo gudbiyo muddoo toddobaad gudihiis ah.



Tallaabadan ugu dambaysay ayaa cirka ku sii shareertay hadal haynta ah in madaxweynaha xilka laga tuuro.

Amarkan yeedhamada ah waxa u diray qof ka wakiilka gudoomiyeyaasha gudiyada arimaha dibadaa iyo sirdoonka iyo la socodka oo baadhaya inta ay leegtahay halista uu nabadgelyada qaranka geliyey xidhiidhka madaxweyne Trump la yeeshay xukuumadda Ukraine.


Shan sarkaal oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada oo dhamaantood warkii qofka arinta fashiliyey sheegay lagu magac dhabay ayaa iyagana la faray inay gudiyada hortagaan.


Waxaana ka mid ah dadkaa safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jirayUkraine, Masha Yovanovitch oo Trump shaqada ka eryey sababtuna tahay sida warbixintu sheegtay in ay diiday codsi madaxweyne Trump ku doonayey in ay u soo ururiso macluumaad la xidhiidha musharaxa dimuqraadiga ee la tartamaya isaga, Joe Biden.


Waxa kale oo ka mid ah saraakiishaa ergayga gaarka ah ee Maraykanka Ukraine u qaabilsan Kurt Volker la leeyahay wuxu u fududeeyey qareenka madaxweyne Trump Rudy Giuliani in uu qaban qaabiyo kulan madaxweynuhu la yeesho wakiilo ka socda dawlada Ukraine, walow Guiliani aanu xil rasmi ah markaa ka hayn dawladda Maraykanka.


Farriintaa loo diray Pompeo waxay ku saabsantahay dokumentiyo la xidhiidha shirar ay yeesheen xubno ka tirsan shaqaalihiisa iyo xukuumada Ukraine.


Laba balamood oo hore loogu qabtay inuu ku keeno qoraalladaas ayuu ka baaqday, haatan se fariintani waa amar sharci ah.

 

BBC

Loading...
Loading...