'' Kaftanka Caawa , 7 Years Of Marathon'' . W/Q: Ahmed Nour Guruje
Gaar ahaan Somaliland dadkeedu waa kuwo fikirkooda iyo ficiladooda markaad u fiirsato aad moodayso in ay yihiin qof keliya .
Hadaba waa halkaase , Beelaha Somaliland hadba Beesha saarka Madaxtooyadu qabtaa waxay soo martaa Marathon todoba sanadood ah oo iska waaliya .
1- Beesha Habarjeclo 2003 ilaa 2010 , waxay soo martay 7 sanadood oo Marathona , mar ay shirbeeleed qabsatay , mar jabhado rag samaystay lasoo qabqabtay iyo marar waxyaabo kale jireenba .
2- Beesha Sacad muuse ,sidoo kale 7dii sanadood ee 2010-2017 , iyana Marathonkaasay ku jirtay , mar ay shirwayne qabashadiisa ku mashquulasanayd , mar Salaadiin hubaysan lasoo qabtay iyagoo ku jeeni-qaaran , mar shaani ina waashay iyo mar buuq kale socday ba .
3- Sidoo kale Beesha Garxajs 2017 wixii ka danbeeyey waxaa u bilaabmay Marathoonkii iska caadiga ahaa , Marathonkasina waa mid kolba weji yeelanaya iskana soo dhamaanaya marka ay Beeshu Tv ka daawato Madaxwayne Beesha kasoo jeeda , sidda beelihii Marathonka uga horeeyey ba ugu caafimaadeen markay Tv ka arkeen oday la hayba oo madaxwayne ah .
Si kastaba ha ahaatee , inta garaadka bulshada iyo garashada siyaasiga ihi iska sidan tahay Marathonkaas ayuun baa la isku badbalayaa , hadbana beel ayuun baa finalka rmaathonka u baxasya .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!