Dayaca Wadooyinka Hargeysa Ma Dawladda Hoose Sabab U Ah Mise Shacaba Hargeysa?

0
Saturday September 28, 2019 - 10:50:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayaca Wadooyinka Hargeysa Ma Dawladda Hoose Sabab U Ah Mise Shacaba Hargeysa?

    Maanta waxa aan aad u arkayay dhalinyaro badan oo baraha bulshada ku baahinayay sawir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxa aan aad u arkayay dhalinyaro badan oo baraha bulshada ku baahinayay sawir
laga soo qaaday mid ka mid ah Wadooyinka dhex mara faras magaalaha magaalada Hargeysa oo dayac aad u badani ka muuqdo, dhammaantoodna waxay ka midaysnaayeen innay ka xunyihiin waxqabad la'aanta iyo fadhiidnimada Golaha deegaanka ee muddadiisu gabaabsiga tahay, waxayna dhaliilo kala duwan u jeedinayeen Madaxda Gollaha deegaanka Caasimadda Hargeysa oo Mayor-ku ugu horeeyo, balse waxaan is waydiidayay maalintii ay awooda lahaayeen ee Codkoodu shaqaynayay hadday horumar iyo qurux jecelyihiin maxay uga midoobi waayeen xulashada xubnaha saxda.

 

Sida aynu wada ognahay guud ahaan Somaliland 28 Nov 2012 waxa ay dadku u dareereen Doorashadii Golaha deegaanka oo Waddanka oo dhan si nabad galyo ah uga qabsontay, inkasta oo ay xanafteedu iska badnayd khaladaad badana ay jireen sida inaan Doorashada kaadh amma astaan oo kale aqoonsi aan lagu galin, xattaa Gudida Doorashooyinka Qaranku markii hore natiijadii ay ku dhawaaqeen ee ay baahiyeen haddana in Muddo yar ka dib ay wax iska beddeleen tusaale ahaan Hargeysa oo kale rag loogu dhawaaqay innay Xildhibaano noqdeen haddana markii dib wax loogu noqday ee codkii dib loo tiriyay ay Xubinimadii Xildhibaanimo waayeen, Saylac oo kale in buuq badani ka dhashay.

 

Godoloolooyinkaas aan kor ku xusnay ee doorashada ku gadaamnaa marka laga yimaado nidaamka aynu doorashada u galnay ayaa aad u foolxumaa sababtoo ah nidaam aad u qabiilaysan buu ahaa , sida caadiga ah bulshadeenna waxa fikir ahaan iskaga jira in marka cid wax matasha amma xil siyasi ahba la dooranayo in nidaam beeleed codka lagu bixiyo taas oo dhibaatooyinka ay leedahay aynaan halkan ku koobi karin.

 

Haddaba yaynaan araartaas ku dheeraane aynu caadi u gudo galno aniga aragtidayda ku saabsan Dayaca Magaalada Hargeysa ka jira ee ay Wado xumadu ugu horeeyaan cida masuuliyadeeda leh, haddaan jawaabtaba idiin qadimo aniga aragtidayda waxa iska leh Shacabka Hargeysa oo xattaa anigu aan ku jiro.Sababtuna waxa weeye marka laga yimaado dhibaatada ay leedahay nidaamka marka horeba aan wax ku dooranaynay ee Qabiliga ah haddana waxa la odhan karaa Magaalada Hargeysa shacabkeedu intooda badani waxa ay doorteen waxba-matarayaal innoo soo shaqo tagay oo aan Alle iyo ummadiisa midna ka xishoonayn, aqoon iyo karti kalena aan lahayn, ku raagi mayno innaynu wax ka sheegno tayadooda aqooneed iyo kartidooda oo waynu naqaanaa ragga qaarkood shaqooyinkii ay hayeen intii aanay noqon Xildhibaanada.

Inkasta oo ay jiraan rag aad tiro yar oo bulshadu tuhunsanayd oo ay ka mid ahaayee Duqihii hore ee Yusuf Warsame Siciid( AHUN) iyo Xubno kale oo aad u kooban oo haddaba Golaha jooga sida Saleebaan Dahir ( Dogox) Somalidu waxay tidhaahdaa Col kaa badan iyo biyo kaa badan waa ku hafiyaan ee Xubnahaas yar ee kooban markaan u cudur daarno waxaan odhan karnaa waa la hafiyay, inkastoo iyaguba ay hadda fashilka iyo foolxumdaba la leeyihiin Golahooda.

 

Waxaan xasustaa markii lagu dhowaqay doorashada muddo yar oo qiyaastii ku siman hal toddobaad ka dib ayaa Waxa Wargeysa Jamhuuriya wax ka qoray Xildhibanaada Hargeysa waxyabaha aan ka xasuusto waxa ka mid ah marka laga yimaado tayada xumada uu ka qorayay in xattaa tiro uu ku qiyaasay 70% ay leeyihiin balwado. Muddo yar ka dibna waxa dhacdayba in rag xildhibaano ah ay gacan lagu dhintay gaystaan iyaga oo aan xiskoodu sax ahayn sida la sheegay.

 

Haddaba ma innaga waalan mise Cadan baa laga heesayaa dadka aynu dooranay innaga oo naqaana tayadooda ayaynu maanta raadinaynaa wax qabad, Soomalidu waxa ay tidhaahdaa wax ha lagu siiyee weelkeeda tolo, Weelka aynu tolanayna waynu naqanaa ee yaynaan hadda buuq iyo calaalcal aan waxba qabanayn wakhtiga iskaga lumin ee tani innagu dhacdaye tu danbe yaanay innagu dhicin baan ku tallinayaa anigu, midna aynu ogaano ilaa innagu aynu bulsho ahaan is xisaabnimo masuul wanaagsan oo adeege dhab ah oo bulsho noqda ma helayno, masuulka wanaagsani bulshada wanaagsan buu ka soo baxaa ee aynu qof qof isku xisaabino oo halka ay sartu ka qudhuntay waynu wada garanaynaaye sidii aynu uga gaashaaman lqhayn innay mar danbe innagu dhacdo aynu falowgeeda galno. Nidaamka qabiilka ah ee aan wax ku doorano haddaynaan ka tagayn Walaalayaal Allaan idinku dhaarshee nin waliba ninka uu dooranayo tayadiisa ha eego oo yaynaan bahal danbe ku dagmin.

[email protected]

Abdirahman Ali Ahmed

Candidate of Master of Economics

Sakarya,Turkey.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...