Galaydhka Dhulka Iyo Ka Cirka Ma Wada Xamili Karno!

0
Saturday September 28, 2019 - 10:39:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galaydhka Dhulka Iyo Ka Cirka Ma Wada Xamili Karno!

    Marka hore waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan intii u dhimatay weeraradii isdaba joogga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan intii u dhimatay weeraradii isdaba joogga
ahaa ee haadka dad-qaadka ah ee beryahan degaannada Soomaalida ku soo kordhay. Waxaanna leeyahay ehelkii dadkaa dhinatay oo dhammanntood ahaa dad reer guuraa ah oo markoodii horeba culays adduunyo la tacaalayey samir iyo iimaan Allah ha idin ka siiyo. Inta ku dhaawacantayna Allah ha u booga dhayo.

 

Wax kasta oo aadduunka ka dhacaa kolley sabab bay leeyihiin, haadkan dad-qaadka ahna kolley waxa jira sababo aynaan ogayn oo ku kallifaya inuu dhibkan gaysto, iyo xikmado Eebbe oo wax laynagu tusayo. Bani-Aadamku wxuu isu haystaa inuu awood badan yahay laakiin waa daciif. Maanta waad aragtaan shimbir qofka laba jirka ah ee gurguuranaya shalay ka carari jirey ayaa argagax inagu riday oo waxna inaga laayey, inteennii kalena cabsi iyo khalkhal ina geliyey.

 

Reerihii xoogga badnaa ee isu hub urursanayey, ciidammadii lahaa xuduudaannu soo xidhaynaa iyo xisbiyadii isu gooddinayey ee Somaliland waxoodiiba maanta "samadaa la wada eegayaa" oo qof waliba wuxuu is leeyahay "goormaa haad kugu soo degayaa"! Waxa laga siman yahay maanta (xitaa qabiilladii colaadda ka dhexeysay) in dani ku khasabtay inay haadda rasaastay isu haystaan u adeegsadaan.

 

Galabta nin aanu saaxiib nahay oo reer Hargeysa ah ayaannu muddo sheekaysannay oo arrimaha haadkan dad-qaadka ahna ay sheekadayadu u badnayd. Muddo haddaanu sheekaysanayney waxay sheekadii nala gashay haadkii oo qof noqday!

 

#Aniga: Ma is tidhi qoladiinnan reer Somaliland waad kibirteenoo arrinkan wax baa laydinku tusayaa.



#Isagii: War nin yohoow waxaan maqli jirey dadbaa qory-ismaris noqda, laakiin weligay ismaan lahayn qoladii Daraawiishta ayuu ka soo baxayaa
#Aniga: KKKKK. maahmaah Soomaaliyeed ayaan maqli jirey oo tidhaahda "arah loo kala eg". War annaga iyo qorya-ismaris waad ogtahay inaanaan meelna iska soo geline dhankiinnaa Galbeedkaa dhaqankaas lagu sheegi jireye maxaad u jeeddaa.


#Isagii: Ma maqashay "waxaan caano iyo nabadba ahayn waa la kala qaadaa"
#Aniga: Haa waan maqlay, laakiin cudurrada qaar aan nagu dhicin baa jira.
#Isagii: War horta haadkan aad arkaysaa waa GALAYDH. Waxa nagu dhacayaana waa aargoosi. Abtiyaal haddaba dee idin aragnay inaan lug la idin kala bixi karayne dee labada GALAYDH ma wada xamili karnee bal dib baannu isugu noqonaynaaye ka samada naga yara hakiya.


#Aniga: Abtiyaal nin xaqiisii daba jooga oo nabad qaatay oo heshiis lala galay, oo haddana heshiiskii lagaga baxay, oo ergo ahaan gurigiinnii idiin ku yimid Ilaah baa ina dilayee inuu haad dad-qaad ah isu rogo waa lagu kallifay. Abtiyaal iska adkaysta in badan baannu adkaysanaynaye kaadhka markiinna xammila.
#Isagii: Haaye abtiyaal dagaalkeennu dhulkuu ahaaye cirka ha inooga rarina
#Anigii: Sida aad wax u waddaan haddaydaan beddeli wallee waxaan ka

baqayaa cirkaad sheegaysaaye inuu aakhiro inala galo.


#Isagii: War abtiyaal maanaan ogayn ilaa heerkaa inaad gaadheene bal dib baannu isugu noqonaynaaye dhulka inagu soo celiya.


#Anigii: Awalba annagu dhib maanaan wadine hadaad dhaqankan beddeshaan oo dad deris ah oo Soomaaliya inaynu wada ahaanno la idinka helo waad naga ammaan gelaysaan.


#Isagii: War bal naga war suga


#Anigii: Haddaydaan degdeg war noogu soo celin wallee waxaydaan dhowaan GALAYDHKAA taallo tii diyaaradda la mida uga dhisi Hargeysa!

Halkaas markay sheekadu noo maraysay ayaa salaaddii la addimay oo aannu masajidka galnay.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

  

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...