Wada-Shaqaynta Qarsoon Ee Hargeysa Iyo Xamar

0
Saturday September 28, 2019 - 10:24:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada-Shaqaynta Qarsoon Ee Hargeysa Iyo Xamar

    Bishii Agosto 31keedii 2019 ayey Dawladda Federalka Somalia (DFS)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii Agosto 31keedii 2019 ayey Dawladda Federalka Somalia (DFS)

shaacisay heshiis ay la gashay European Union-ka (EU) oo lagu maalgelinayo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruucaas oo dhan 23 milyan oo Euro, oo  8 milyan oo ka mid ah loo qoondeeyey horumarinta magaalo xeebeedka Berbera. 

 

Laakiin qorshaha heshiiska waxa ganafka ku dhuftay wasiirka qorshaynta ee Somaliland (SL) isagoo sabab ka dhigay in aanay Somaliland qaadanayn maalgelin soo martay Xamar. DFS wax jawaab-celin ah kama bixin tiraabtaas. 



Waxase ka daba qaatay agaasimihii hore ee wasaaradda qorshaynta Somaliland Cabdi Cali Jaamac, oo ku tilmaamay in jawaabta wasiirku tahay ged cusub oo u baahan faahfaahin dheeraad ah; isagoo farta ku fiiqay siyaasadda (policy) SL, aan qornayn, oo ah in deeqaha caalamiga ah ee ay hesho DFS/Xamar laga qayb-qaato sida maamul goboleedka Puntland.

 

Wuxu md. Jaamac tusaale u soo qaatay mashaariicda GPLG ee horumarinta magaalooyinka ee Xamar, Hargeysa iyo Garoowe qaybsadaan, loona yaqaan "wadaagga saddexanka (troika)".  


Waxa kale oo ex-
agaasime Jaamactilmaamay mashruucii u dambeeyey ee Education Cannot Wait, ee bishii July 2019, daah-furkiisu ka dhacay Hargeysa, goob-joogna ka ahaayeen wasiirada iyo xildhibaanada dawladda SL, kaasoo toos u hoos yimaada Wasaaradda Waxbrashada ee Xamar.

 

Taas oo macnaheedu yahay Hargeysi ma diidin maal-gelintaas ee warbaahinta laga sheegay ayey saluugtay. Bal adba suuree dhuumashadaa dhabarku muuqdo.


Madaxda Hargeysa waxay taas Xamar ugu gudaan
af-lagaaddo iyo tahdiid joogto ah. Tusaale waxa kuugu filan ereyadii xanafta badnaa ee bishan September 2019 madaxweynaha SL, md Biixi, ku hurgufay madaxweyne Farmaajo munaasabaddii qalan-jebinta ee jaamacadda Hargeysa. Mana aha markii ugu horaysay.

 

Haddaba si loo sugo caawimo caalami ah waxa Hargeysa iyo Xamar ka dhexeeya wada shaqayn joogto ah, oo ay hormuud ka yihiin wasaaradaha maaliyadaha, qorshaynta iyo bangiyada dhexe ee labada dhinac.

         

Wada-shaqayntan dhow ee noocan ah waxa lagu astayn karaa in Xamar iyo Hargeysa gogol ku wada jiifaan, haddana shacabka waa laga qariyaa oo dibnaha lama soo mariyo.

 

Waxa yaab leh inXamar afka furatay markii, bishii July 2019, uu Md Biixi siyaartay dalka Guinea oo ay haddana shib uga tiraa marka meeqaamka, iska ictiraafka ah, ay Djibouti siiso Hargeysa? Imikana waxa socda qorshaynta waddada Djibouti ilaa Boorame ee ay wada wadaan Hargeysa, Xamar iyo Djibouti.

 

Waxa intaa raaca in dalalka reer Europe (United Kingdom, Denmark, Sweden iyo Holland) ee bixiya lacagta sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) ee ay toos u hesho Hargeysi, uu ansaxiyey madaxweynihii  hore Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Kolkaa DFS waa ka raali inay Hargeysa wada shaqaystaan marka ay timaado wada-maalka naaska caawimada caalmiga ah, iyo in dalalka qaar meeqaam aqoonsi ku dhow siiyaan Hargeysa.

 

Dabcan waxa halkaa kaaga soo bixi: Xamar iyo Hargeysa waa ku heshiis in shacabka Somaliland lagu hayo qol mugdi ah.

 

Markaa suashu waa: maxay Xamar ka dheefaysaa asturka joogtada ah ee ay huwiso dhuumashada Villa Hargeysa, ee kuaaddan wada shaqaynta joogtada ee ka dhexaysa iyaga iyo Hargeysa?

 

Jawaabta ugu dhow ee su’aashaas kore waxay noqon kartaa  inay Xamar qaadatay mowqif ah in  la sabaaleeyo Hargeysa, si ay ugu soo hirato qaranka ay ka mid tahay, ugana tanaasusho gooni-goosiga.

 

Faraq weyn baa u dhexeeya dhiirigelin iyo sabaalayn. Dhiirigelintu anshax-marin iyo abaal-marinba way yeelan kartaa, hadba tii ku habboon; laakiin sabaalayntu waa wada abaal-marin.

 

Sideedaba kool-koolintu waa fal-dhaqan aan marna soo saarayn maxsuul togan, sida ay naawilayso Xamar oo ah: bal mar uun in madaxda Villa Hargeysa aqbalaan, rasmiyan, ka mid noqoshada qaranka Jamhuriyah Somaliyah.

 

Talow, Xamar ilaa intee ayey sabaalayn kartaa Hargeysa? Waqtigaa Sheegi. Inshallahu khayr.

 

Wa Bilahi towfiiq

Maxamuud C/llahi Axmed

London UK

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...