Madaxweyne Biyo Soo Saarista Banka Togwajale Ma Wuxu Noqday Mashruucii Jiif Oo Jaq Ee Xumboweyne,

0
Saturday September 28, 2019 - 10:09:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biyo Soo Saarista Banka Togwajale Ma Wuxu Noqday Mashruucii Jiif Oo Jaq Ee Xumboweyne,

    jidkii Qodxaha badnaa Ee Siilaanyo dhehby M.H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

jidkii Qodxaha badnaa Ee Siilaanyo dhehby M.H
Habeen qudh ah kumaan seexan Madaxweyne Muuse Biixi ayaa gacan madhan kow odhan doona, oo mashaariic Bug ah ka daawan doona Shaashadaha, Wayse dhacday Tiro iyo cad toona malaha Muddadii labada Sanno ahayd ee uu kursiga joogay, Mayd maxaa ugu dambeeyey kaa la sii sido Waxa aynu arkaynay Ceel biyoodkii Labaad ee laga Qodo dhulbeereedka togwajale Sannadkii ugu dambeeyey, taasi oo ceelkii labaada Xadhiga laga jaray Dhameystirkiisii 26 september 2019 khamiistii aan soo dhaafnay, taasi oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa degmada, Ceelkaasi oo lagu Sheegay in yahay ceelasha ugu dheer ee ay  shirkada durdur ka Hirgalisay dalka, Runtii Waxan odhan lahaa Garaadka ummada ayaa la caayayaa, waxa xaqiiqa in aanay jirin biyo la taaban karo oo 2 labadaasi ceel laga gaadhay wax wax laga xumaado ah in dalka iyo dadkaba Sidan oo kale loola dhaqmo, Waa xaqiiqo dhacday Haddii Cadaynteeda loo baahdana Diyaar baan u ahay, waayo aniga waxan ahay Xaqlaha Booyadaasi laga kiraystay lkn Dammiirkayga ayaa i siin waayey in aan xaalada noocan oo kale ah aan Qariyo, waanan u sheegay odayo ku sheega Guddida Magaalada sheegta waxanay igu yidhaahdeen iska aamus Laba ceel oo kale ayaa inoo soo socda oo la inaga joojinayaa Qodaalkooda hadii aynu kan ku hadalno,runtìi waa wax laga xumaado in Banka Togwajaale noqdo Mashruucii Biyaha Hargeysa ee Xumboweyne ee Malaayiinta Dollar lagu lunsaday, wakhtigii Siilaanyo, balse waxan is lahaa Muuse biixi waa soo jeedaa oo dhayal Musuq maasuq noocan ahi dhici maayo, wallvaahi probably jidkii Qodxaha badnaa Ee saaxiibkii ayuu hayaa,

Waliba way la kowsatay, waxa aynu ognahay dhaqankooda odayada Magaca togwajaale ku hadlayey oo qayb ka ah jiif oo jaqda in ay horey tvyada uga sheegeen in reer togwajale ay labada gacmoodba ku maydhaan hadda waa siddeed sano ka hor,

Waxa iyaguna wax lagu Qoslo ah Masuuliyinta Gobolka iyo degmooyinka oo dhaqan ka dhigtay ka Qayb galka xafladaha

Kala duwan xataa xafladaha Meherka si ay Shaashadda uun uga muuqdaan maalin kasta, isku soo wada duub oo xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha waxa looga fadhiyaa in ay Ummada Qanciso oo biyahan la sheegayo ee been abuurka aha ay banka togwajale ku tijaabiso,horey waxaynu u soo joognay Sheekha lagu Magacaabo sh Faarax ee Wakiilka u ah Carabka Ceelka ku tabarucay in uu dhagax dhigay Xarun Agoomaha loogu talo galay, iyada oo ay goob joog ka ahayd Marwo Aamina Waris, halkay ku dambeysay Xaruntii Sh Farax ,waar Allah halaga baqo oo yeynaan Garaadka dadka caayin,

Ugu dambeyn Madaxweyne Adiga ayaa Ilaahay kaala xisaabtamayaa  Musuqmaasuqa xadhkaha goostay haddii aad wax ka qabanweydid

Allah ayaa Mahad leh

By Mohamud Hussein

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...