Qof mise Qaran!
Haddaba,
waxaynu iswaydiinaynaa Xilka ay madaxweynaha ka kaalmaynayaan Wasiiradiisu?
Waxaan suaashan la wadaagi doonaa bulshada Somaliland balse aniga waxay illa
tahay in Wasiir walba ka masuul yahay mandate ka wasaaradiisa oo uu wakiil uga
yahay Madaxweynaha loogana baahan yahay in Wasiirkastaa kasoo baxo ujeedooyinka
ay u taagan tahay wasaaradiisu .
Haddan usoo noqdo dulucda qoraalkaygan, waxaynu wada ognahay xaalada cakiran ee wajiyada badan leh ee dalka ka taagan; haddii ay noqon lahayd Collaada afar jirsatay ee wali ka taagan CEELAFWEYN, kacdoonada ka socda Bariga SANAAG iyo JABHADAHA ka jira Gobolkaa.....iyo waliba kacdoonka gobolada galbeedka ee baryahan dambe isasoo taraayey. Markay xaaladii gudaha dalku sidaa tahay, waxaa masuuliyadeeda leh wasaarada arimaha gudaha ee uu hormoodka ka yahay Mujaahid Maxamed Kaahin Ahmed oo ah shakhsi qadarin iyo sharaf iga mudan isla markaana ka mid ah ragii dhaliyey Xornimadan aynu kuwada naaloonayno hadda.haseyeeshee , ninba meel ayuu ku wanaagsan yahay ee haddii Mujaahid Kaahin Xaaladan dalka ka taagan xalkeed waayey, islamarkaana uu yahay Saaxiibka kowaad ee Madaxweyne Biixi waxaan ku talin lahaa in Wasaarad kale Mujaahidka ..........Khabiir ku haboona la keeno Wasaarada Arimaha Gudaha oo xalkeed keena Xaaladahan cakiran. Madaxweyne Bixi waxaan leeyahay dalku waxa uu u baahan yahay gurmad iyo tallo badsi iyo inaad xulato xul! Aan xal ahayn. Waxaa kale oo intaa aan raacin lahaa in Khuburo kaala taliya shan dhinac oo dalku manta baahi u qabo aad ku dhiirato inaad yagleesho sida; Amniga , Dhaqaalaha ,Siyaasada Arimha Dibeda iyo Xulashada Xubnahaga Wasiirada
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!