Waxaw Halisa Badaw Hayjad Galay Inu Halaabaaye ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday September 28, 2019 - 09:35:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaw Halisa Badaw Hayjad Galay Inu Halaabaaye ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi " Duqsi caano ku dabaal bartay, fuud kulul buu aakhirka ku gubtaaye" Mid baan maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi " Duqsi caano ku dabaal bartay, fuud kulul buu aakhirka ku gubtaaye" Mid baan maanta
cashar wacan u dhigayaa, aanay ina raga-ba hore isu arage ee bal ila eega, waa sidaase " Dameer iyo doc ka yeedh-ba Daankaa lagu dhuf-taaye" mid lax dhukani abaar moog ah, oo wuxu yahay aanu jirin, jooga dalka Astareeliya (Australia), magaaladda la yidhaaho Melbourne, Xaafad ka mid ah oo magaceedu yahay" Helberg" oo ah nin  isku sheega in la yidhaaho " Ibrahim caydiid", kaas oo aan geeriddii nebiga ogayn, ah rabi khalaq wa dalaq ( Laguma dhaamee dhaqaaq), baa shalay wuxu soo derderay, kana soo daayey, Tv-ga beelaysan ee Home Cable" wax uu ugu magac daray " Ururka midnimadda Somaliland". iyadda oo aanay jirin wax mid-nimo la yidhaahaa, oo xalay oo ugu dambaysay reer Taleex u galeen puntland, kaas oo sheegay wuxu ka soo hor jeedaa, dadka ka hadlaaya xumaanta ka taagan messha looga taliyo aqalka " Xaafad-tooyadda" ee labadda asksri xagga kale ka rogeen, Ka cayn-kaas u daciifka ah, baa ummadda qurba-jooga ku leh waan u digayaa, oo haddii aad waxa Hargeysa lagu walaaqanaayo ee federooby, noqotay xero askareed (waa maamulka raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane) ina leh waxan daba-gal ku samaynaa, dadka caalamka ogaysiiya waxa ka dhacaaya maamulka Hargeysa, ma is tidhaaheen waa mid ambanaaya, oo aan garanayn wuxu sheegayaa waxay yihiin. Isaga oo ku nool dalalkii xoriyatul-qawlka iyo saxaafadu ay madax-banaanaayeen mid-ka-mid ah ( waa Astareeliya'e). ku lahaa Waxan dalalka aad ku nooshihiin u sheegaynaa in sharciga lagu siiyey lagaa qaadi doono, oo dib laguugu soo mastaafurin doono meeshii aad u dhalatay. saw maaha aqooneey ba', dadka noocaas ah ee mutaclimiin sheeganayaa? cilmi-gaas baa iska ba'ay.

 

 Doqonkii ku yeelaa wuxuun, lagu dabiibaaye, alla-doori-yahaw hadalku, wuu kaaga darayaaye, dudumoo-yinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaan, maxaad samayn kartaa ee aad ku hanjebaysaa adigaa injirtu ku dareeray-saaye, balan baan kuugu qaaday, in aan sharcigaaga aad ku joogto Australia dhulka soo dhigo, oo lagaa qaado, waxan sheegaayo aniga bay i jirtaa. Waa adiga masaakiin qurbaha ku nool, wax ma garatadda ah, oo aanad wax yeeli karin, baad rabtaa in aad ku didsato'e. oo aad tidhi sharciga baa la idinka qaadayaa, ee hadaba kaaga maaree waa aniga iyo adiga keena ay tiisu dhab noqoto'e. waa la yaqaan ey ay askartu wax u tuurto, oo ay tidhaaho meela-haas ka nac-naclee, oo ka baji ka na fashiliya. Malaha waxad moodaysaa in ay askar dhego li'i xukunto aduunka, sidda kuwa Hargeysa ka bood-boodda. miyaanad ogayn in xoriyatul-qawlku uu yahay xuquuq-dda ugu mudan caalamka, ee ay ka soo hor jeedaan cabudhinta saxaafadda iyo maamul askareed digtoonaw ah, Kuwaas oo u soo shaqa tegay hantidda ummadda. Cid sharci kala noqon kartaa ama lagu mastaafurin karaa waxa aad ka hadashay ee aad boodhaa-qayso in aanay jirin, oo meeshan sharci iyo distoor fasaxaaya uu ka jiro, waxa ay diidan yihiin kuwa ku soo kireystay uu yaallo. adiggii baan meela haysan, ee waxad hayso soo daa, marna taagtaa marna tamartaa cidna haw tudhin, Aniga oo ah Abdi-shotaly, baa imika gelaaya, sharciga aad haysato, oo halkaa kaa dacweynaaya, ee in yar i sug.

 

Miskiin yaa dalas yaa saaxibal-doolaar, ka ku dhereg dhacsanayaa caydha waa adiga, ee dhubuq-dhubuq hore dhabana hays bay leedahaye, adigu is hubso in aad cago ku taagan tahay iyo in kale, inta aanad cid kale u gelin. illaahay baan ugu balan qaaday" in aan kaa soo xidho xafiis ku sheega laga soo mal-maluuqay Hargeysa, iyo googo'a lagaaga soo diro intaba, ee wakhti yar inta aan isku duba ridaayo ilaah ha i daayo. Haddiii lagula soo xidhiidhi waayo, kabahaaga wax iigu gur, Wuxu yidhi Salaan Carrabay " Wiyil lama honjaaliyo, adoon hootadaw sidane, laga haari hooriga libaax, soo hamaan-sadaye, mar hadaan hulaabta iska rogo, soo hankaab-sadaye, waxaw halisa badaw hayjad galay, inu halaabaaye" weligay-ba nin soo dhex galay seera-hayga, oo iska batalaq-sanaaya, taangi waan kaga saari jiraye, bal isu kaayo eega aniga iyo kan cidla ka wareerka ah, ee yidhi dadka qurbaha jooga ahi, haday xumaanta ay askartu Hargeysa ka wado sheegaan ama siro ka qarxiyaan, dawladda ay joogaan waa inay dib ugu soo celiso dal-kooddii.  Waxan ku soo xidhay qoraalkan, laga bilaabo maanta oo ay tahay taariikhdu 26/09/2019 waa keena ku guulaysta, ee u diyaar garaw, ka ugu horeeya ee la mastaafurinayaa waa adiga'e

 

* N.B dudumoo-yinkoo Lala Hadlaa, Damac Ma Yeeshaan.

  Qore:- Abdi-shotaly.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...