Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Oo Madaxweynaha U Gudbiyay Dalab Shaqo Ka Tagis Ah

0
Tuesday March 19, 2019 - 11:55:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Oo Madaxweynaha U Gudbiyay Dalab Shaqo Ka Tagis Ah

    Hargeysa (HWN) -Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa iska casilay xilka agaasimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) -Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa iska casilay xilka agaasimaha

 guud ee xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxaanu warqad shaqo ka tagis ah u gudbiyay Madaxweyne Biixi.

Agaasime Cismaan ayaa dhawaan u gudbiyay Madaxweyne Biixi dalab uu ku doonayo inuu shaqada ka fadhiisto, waxaanu ku sababeeyay xaalad caafimaad, iyadoo uu dhawaan dalka dibadiisa ku galay qaliin.



Dr. Cismaan ayaa Madaxweynaha ka dalbaday inuu ka aqbalo shaqo ka tagista uu dalbaday. Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu ka aqbalay agaasime Cismaan, is casilaadda uu u gudbiyay.


Geesta kale Dr. Cismaan oo u waramay wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa xaqiijiyay jiritaanka is casilaaddan waxaanu yidhi "Waan iska casilay xilkii aan ka hayey Xukuumadda sababo la xidhiidha Arrimo caafimaad, waxaan madaxweynaha u gudbiyey waraaqdii iscasilaada, waanu iga aqbalay. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii wanaagsaneyd ee aanu u soo wada shaqeynaynay muddadii aan Agaasimaha Guud ka soo ahaa Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warfaafinta labadaba,”

Loading...
Loading...