Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Qaabka Ay U Isticmaalayaan Biyaha Webiga Nile

0
Friday September 27, 2019 - 19:53:45 in News by
  • Visits: 2518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Qaabka Ay U Isticmaalayaan Biyaha Webiga Nile

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Qaabka Ay U Isticmaalayaan Biyaha Webiga Nile

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Qaabka Ay U Isticmaalayaan Biyaha Webiga Nile


Addis Ababa(HWN):-Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work ayaa ka hadashay qaabka ay Itoobiya uga faa,iidaysanayso biyaha webiga Nile-ka.




Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Workd oo khudbad ka jeedinaysay shirka loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa ka war bixisay biyo xidheenka weyn ee ay dawlada Itoobiya ka dhisanayso biyaha Webiga Nile.


Madaxweynaha Itoobiya ayaa sheegtay in ujeedada ugu weyn ee ay dalkeeda u isticmaalayso biyo xidheenku ay tahay sidii ay uga dhalin lahayd awooda korontada, iyada oo cadaysay in shacab gaadhaya 65 milyan oo Itoobiyaan ahi aanay haysan koronto ay isticmaalaan.


Madaxweynaha Itoobiya oo ka hadlay isticmaalka biyaha webiga Nile-ka ayaa tidhi "Isticmaalka biyaha webiga Nile-ku waxa uu fursad siinayaa iskaashiga xuduudeed ee noo dhaxeeya wadamada aanu walaalaha nahay ee gobolka mar kalana waa inaanay noqonin qaar wajahaya tartan iyo kalsooni daro.”


Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work ayaa sidoo kale ka hadashay qaabka loo isticmaalayo biyaha webiga Nile-ka "Ethiopia waxay si xoogan u aaminsantahay in isticmaalka wabiga Niil uu ku salaysnaan doono mabaadii'da sinnaanta iyo adeegsiga macquulka ah ee kheyraadka dabiiciga ah oo aan wax dhibaato ah geysan.”


Dhinaca kale madaxweynaha Itoobiya ayaa ka hadashay isbadalada Itoobiya ka hirgelay ilaa bishii April ee sanadkii 2018, iyada oo xustay in isbadaladaasi ay saameeyeen dhinacyada Siyaasada, sharciga iyo dhaqaalaha.



Loading...
Loading...