Tartan Kubada Cagta Ah Oo U Bilaabmay Naadiyada Heerka 1aad Ee Gobolka Sool Iyo Natiijada Ciyaarihii Ugu Horeeyey+Sawiro
Laascaanood(HWN):-Waxaa maalintii Shalay garoonka Kubadda Cagta ee Cabdi Bille Cabdi Stadium ka bilaabmay tartanka Naadiyadda heerka koowaad ee Gobolka Sool, gaar ahaan Degmadda Laascaanood kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan 16 naaddi, waxaana tartankan loogu magac-daray Sool Cup.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Sool, ayaa si wada-jir ah u qabbanaya tartankan oo socon doona muddo Bil iyo siyaaddo ah, waxaana xafladdii furitaanka ee Shalay oo ka dhacday garoonka dhexdiisa ka soo qeyb-galay Badhasaabka Gobolka Sool, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Guddoomiyaha XKCSL, Maayarka Degmadda Laascaanood, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Isu-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Sool, Xoghayaha Guud ee XKCSL, Marti-sharaf iyo guud ahaanba naadiyadda ka qeyb-galaya tartanka iyo dadweynaha reer Laascaanood.



Kulankii koowaad ee Shalay ee furitaanka u ahaa tartanka Sool Cup ayaa waxaa wada ciyaaray labadda naadi ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Togsol oo ka wada tirsan Group A, waxaana 2:1 ay guushu ku raacday naaddiga ku ciyaarayay magaca Wasaaradda Caafimaadka.
Dhanka kale waxaa Maanta oo Jimce ah wada ciyaari doona labadda naadi ee Nugaal FC iyo Laydh FC, oo iyaguna ka tirsan Group A.


0 





