Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Weftigii Ka Socday Dawladda Eriteriya SAWIRO

0
Tuesday March 19, 2019 - 10:45:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Weftigii Ka Socday Dawladda Eriteriya SAWIRO

    Hargeysa -(HWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay wefti heer sare ah oo ka socda waddanka Eriteriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa -(HWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay wefti heer sare ah oo ka socda waddanka Eriteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Casho-sharafta uu madaxweynuhu u sameeyey weftiga ka socda dalka Eriteriya, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, dublomaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Wa-bilaahi Tawfiiq


Loading...
Loading...