Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Saxaafada La Xidhiidha

0
Friday September 27, 2019 - 10:47:02 in News by
  • Visits: 1896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Saxaafada La Xidhiidha

    Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Saxaafada La Xidhiidha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Saxaafada La Xidhiidha


Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta la saxeexday dawladda Federaalka Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya.

Image may contain: 2 people, people sitting


Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa heshiiska u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyoWacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye, halka dhanka Itoobiyana uu saxeexay dhigiisu Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya.


Nuxurka heshiiska ayaa la xidhiidha sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta, xirfada iyo tiknoolajiyadda Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan.


Munaasibada saxeeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya. Taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya.

Loading...
Loading...