Madaxweynaha Puntland Oo Khilaafay Go'aan Ay Qaadatay Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya
Garoowe(HWN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xayiraada ay dawlada federaalka ah ee soomaaliya u soo rogtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni oo lagu martiqaaday caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dawlada federaalka ah kaga horyimid xayiraada Kismaayo isaga oo ku macneeyey xadgudub sharci oo ay gashay dawlada dhexe.
Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlaya hawada soomaaliya ayaa waxa uu yidhi " Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, qof ra’yi siyaasadeed wuu qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada ayaa u arkaa ”ayuu yidhi madaxweyne Deni oo la hadlay VOA.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa taageero u muujiyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoob oo ay iskhilaafsan yihiin dawlada federaalka ah ee soomaaliya isaga oo sheegay inuu diyaar uyahay ka qayb galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland.


0 





