Madaxweynaha Kenya Oo Cadeeyey Qaabka Uu Doonayo In Xal Looga Gaadho Muranka Bada Ee U Dhaxeeya Soomaaliya
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay dacwada bada ee u dhaxaysa dalka soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta oo khudbad ka jeediyey shirka golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in hab wada hadal ah lagu dhameeyo muranka bada ee u dhaxeeya soomaaliya, isaga oo tilmaamay inay wadayaan dedaalada ay ku doonayaan in murankan laga gaadho xal inta aanu soo bixin go’aanka maxkamada ICJ.

Sidoo kale madaxweyne Kenyatta Wuxuu sheegay in dowladdiisu sii waddi doonto dadaallada ku saabsan in dhiggooda Soomaaliya ku riixaan in xal wada hadal lagu dhameeyo muranka Badda ee ka dhaxeeya kaa oo hadda hor yaala maxkamadda Cadaallada ICJ.
Madaxweynaha Kenya waxa uu tilmaamay in Qarramada Midoobey ahmiyad gaar ah siineyso in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada,
"Sida aan ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada, Sidoo kale heshiiskii shuruucda badda ee Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamayaa xadeynta xudduud badeedda ee u dhaxeeya waddamada si saaxiibtinnimo ah”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegy in ay soo dhaweynayaan dhankooda dalabkii ka soo baxay Golaha Amaanka Midowga Africa ahaa in wada hadal laga galo khilaafka Xudduud Badeedka u dhaxeeya labada dowladdood Kenya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar ayaa soo qaban qaabiyay kulan uu isugu keenay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo is afgarad ka dhex dhaliyay labada dhinac oo tan iyo bishii March ee sanadkan aanay is arkin, islamarkaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid xumaaday.
Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo VOA la hadlay ayaa sheegay in marnaba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la soo qaadin dhiggiisa Kenya wada hadal quseeya Badda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in uu lafirkiisa maanta khudbad ka hor jeediyo shirka Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa isha lagu wada hayaa sida uu soo hadal qaadayo khilaafka kala dhaxeeya Kenya iyo aragtida Soomaaliya ee ku aadan habka loo wajahayo kiiska ku saabsan muranka Badda.


0 





