Uma Qalantid Madaxnimo, Qaadi Kara Mansuuliyad ( Abdi-Shotaly)?

0
Thursday September 26, 2019 - 09:50:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uma Qalantid Madaxnimo, Qaadi Kara Mansuuliyad ( Abdi-Shotaly)?

    Askariga meesha baf-baf leh waxan leeyahay " Iga gunud intani, waa abwaan godoladii-siiye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askariga meesha baf-baf leh waxan leeyahay " Iga gunud intani, waa abwaan godoladii-siiye,
Uun-kuba gob buu leeyahay, iyo guniyo soo raace, geed-geed ku maran baa jira, xidid-na waa gaare, goon-kiyo gacayradda, haddii guumo lagu sheego, garas-kaan engegin baad tahay, ee goonidaw baxaye, gingin baa ku saarayd, intii loo garaad qabaye, saamaha halkaa kaga gur, ay galabta kuu taallo" Been iyo munaafaqad, hoosta daxal jiifo, ah qudhun iyo qabyaalad, kala sooc, iska hor-keenid, ku muradso iyo ka fara-qabso mooyee aanay wax kale haynin. kuna kala eriday dalkii iyo dadkii uu kaga tegay Mudane Daahir Riyaale. Eel iyo urgumo u gaar ah labadda askari, ee maamulka Somaliland ka dhigay, Markii hore wuxu ahaa dal buuxa, imika-se waad arag-taan hadaan indhaha la iska tuuraynin, in askartan dhex batalaq-sanaysaa, ay canda-dawleen, ka Meesha doobta ka ridayaana waa rabbi khalaq wa dalaq ( laguma dhaamee dhaqaaq), aan geeriddii nebiga ogayn, siduu ku yimina waan garanaynaa, oo taas caad idin-kama saarna, kan ay ugu yeedhaan Ina Kaahina oo ah geenyo shaaximan, ilaa iyo qaaxa, wakhtiggii dagaalkii marya-aolool iyo hadadan aynu joogno-ba, wuu iska wato, isagu mab'da ma laha, waxase lagu heshiis yahay, colaadda beelo gaar ah, uma sheegi karo waa khalad waxaasi. hadaba laba-boglayn iyo isku qurxin, kolba shaadh-la soo gashadda, mar way suuri geli in wax lagu khaldo, ama ay u marto, laakiin sidda ay la tahay maskaxdda-labadda askari iyo biidhi-qaatayaasha hoos yimaadda ee ay ku adeeg-taan, mid meel gaadhaysa ama sii waari doonta maaha, waad ka wadda dheregsan tihiin in uu takhlan yahay dalkii oo gebi ahaanba tigtigan yahay, meel walba ay labadda askari inaga soo oodeen, mana jirto rajo ka muuqataa iyo aayo danbe oo aan ka sugnaa.

 

 

         Musuq aabihiiyaw, maal doon ku baranaye, maad tihid hogaamiye, colaad baa ku miratoo, uma qalantid madaxnimo, qaadi kara mansuuliyad, dalkii murugaad muruq-yadda ku goysoo, miciin ma leh Maataddu, adaa u makalan ninyahaw, aan maamul garanayn. Waxa la yidhi ama aad arkay-saaba" Bahalka Maska la yidhaahaa, oogadda Waa Ka Xariir Asal ah" markuu halkaa hortiina uu maraayo, waa daadax, nadiif baad moodaa, quruxdana waad yaabaysaa, laakiin waabaydu ama urgumadu micidda bay ugu aasan-tahay, oo marka uu kula helo qaniin-yadda, kugu sii daayo waabaydda, ee uu kaa farsamo ama il roonaado aabahaa dhimay, waana sidda aynu nahay imika. hadaba wax kastaa waxay leeyihiin dawo, taas oo ah in aad ka digtoonaato, in aanay mar kale siddii oo kale kuugu dhicin, wixii hore kuu soo maray iyo khiyaamoo-yinkii lagaaga faa'iidaystay, taas oo ah in aad bedesho qaabkii hore ee aad u fekerayaysay, oo aad maskax-daadda la xisbaatanto, sax-dana wixii mugdiga kaaga hoos baxay. Maah-maah baa tidhaaha " Caano Qubtay-ba Gadaal-kood La qabay" oo micnah-heedu yahay, wixii kaa xumaaday waad hagaajin kartaa, haddii aad ummad yahay mar khalad iyo humaag la idin kaga faa'iidaystay, in aad mar walba siddii la idinku dayaa, waa nacasnimo la idinka arkay idinka. goormaad tashan doon-taan, mee dalkii aad u soo dhimateen? Ee aad mood iyo nool-ba u soo hibayseen? Saw meel ka xun maydin sii gelin? Maxaad kula dagaalan-teen Af-la-haarkii Ina Bare? Sawtan noqotay ka-dar-oo-dibi dhal iyo guutoy-guuto-wareen. hadii run la sheego ma hed baa ku baxaysa?

 

        Wax waliba daliil iyo markhaati bay leeyihiine, bal noo sheega halka ay dagaal ka galeen? Kan Meesha af-duubka ku haystaa ( ee la yidhaaho " Raggii Ma Adigaa Ka hadhay" miyaad haysaan meel uu xabad ka riday. Hargaysa Ibrahim dhega-weyne buu ahaa kii is miidaaminta gobolka ka madax ahaa, waxa ugu weyned ilayn lama dafiro'e "Saldhiga Bir-jeex" oo ahaa xarunta ugu weyn wixii la odhan jirey Qaybta 26naad, ee ciidankii Af-weyne, Hadaba ninkii naaraha ka waraabiyey, wuxu ahaa ilaah ha u naxarissto'e " Aadan-cade" ma cid baa dafirsan, waakii uu waaqlahu indhaha kaga dhacay, ee uu ku waayey Aragiisii ( Nina Arab Sheekh isaxaaqa ah buu ahaa), waa tii la keenay Magaaladan Manchester, ee aan anigu dul fadhiyey, markii indhaha loo jeexaayey. bal hadaba kan is weydiiyoo, halkee buu Hargaysa ka dagaal galay? aan kuu sheego'e, inta uu fadhiistay geed deeb-leh, buu kolba meel ku dhuumaalay-sanaayey, hadal waa run kama rayste'e, ee dirayska wuxuu u xidhnaa is-tus ee waa ina wax kama jiraan, mana hayno meel uu kob cagaar leh ka soo durduriyey. Ahmed Mire isna waakii gelgeli-maha ka shiday Gobolka togdheer ee ilaa sanaag isku kala bixiyey, Maxamed Cali, Ina Saleebaan Weyne, Harag-waafi, Haybe laambad, Ina Habane,  Ina Kood-buur, Talaata-Codle, Xuseen Dheere, Ina macalin haaruun, Ibrahim layla, Xasan kayd, Lixle, Cabdiraxmaan Maxamed case, Xayd, Koosaar, xadndule, jaamac cali jaamac, Libaaxo, iyo qara kaloo badan, waa la hayaa taariikh-doodda iyo wixii ay ka geysteen Halgankii SNM, waana markhaati ma doon. sidaas oo ay tahay, bal labadan askari ee is daaba-dhidiiqinayaa, halka kol ay mulac tahayna xabad ku fiiqeen ha sheegeen, xaal-koodu waxa weeye, maah-maahddii ahayd " Geeriyey Maxaad Tartaa? ee ay ku jawaabtay " Nin meel waayey baan meel u baneeyaa". waxan ku xidhay maqaalkan, waa in ay daayaan waxan nahay Mujaahidiin, waayo way ceebay-nayaan magaca, ee waa in ay ka xishoodaan sheega-shadda wax aanay ahayn ay ku andacoonayaan, labadan nin waxay yihiin ma laha'e.

        * N.B Laguma dhaamee Dhaqaaq!

        Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...